Garoonka diyaaradaha baladweyne oo albaabada la iskuuga dhuftay

Garoonka diyaaradaha baladweyne oo albaabada la iskuuga dhuftay

Wararka naga soo gaaraya gobolka hiiraan gaar ahaan degmada baladweyne ayaa waxaa uu Kuwaramayaa in saacado ka hor la xiray garonka diyaaradaha ka dib markii xaalada gobolka Faraha uu kabaxay sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada amisoom ee jooga hiiraan.

Arintaan ayaa waxaa loo aaneynayaa dhibaatadii saaka ka dhacday deeganka deefow iyo weliba in maamulka degmada Baladweyne ay cabsi buuxda ka qabaan inay soo maraan gurmad ku wajahan dadka lagu xasuuqayo degaanka Deefow.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku guul daraystay inay xakameeyaan hubkii iyo hantidii qaranka, halkaas oo ay beesha duulaanka ku ah Deefow si toos ah u maamulan hubkaas, kaaso maanta lagu garaacay degaanka Deefow.

Gobolka Hiiraan ayaa galay waji xaalad dagaal, ka dib markii la xakameyn waayey beesha duulaanka ku ah degaanka Deefow, oo horeyna u gubtay Kabxanley, shalaytoolena gubay Deefow. Taasi oo wel wel badan ku abuurtay shacabka gobolka oo idil, oo markasta filan karo in sidii loogu gubay hubkii qaranka degaanka Deefow, in degaanada kalene loogu waxyeeleyn karo.

Saraakiisha ciidamada amisoom ayaa waxay sheegayaan la xakameyn waayay ciidamada Dawlada fedaraalka soomaliya ee ku biiraya dagaalka qabaa ilka ee ka taagan hiiraan gaar ahaan Deegaanada deefow iyo madiina ee goblka hiiraan waxaana laga cabsi qabaa ayaa laleeyahay in Saameyn ku yeelato xaalada garoonka diyaaradaha dagaalada socda.

Waxaa lalahadlay rakaabkii ka duulilahaa muqdisho iyo kuwa usoo duulilahaa xamarba in ay Baaqdaan maanta.

War aanu u helnay si hoose ayaa waxaa uu intaas ku darayaa in maamulka Gobolka hiiraan ay ka gaabiyeen xakameynta ciidanka gobolka in ay ku lug lahaadeen dagaalada Beelaha dhaxmaraya waa tan kentay in laxiro garoonka diyaaradaha.

Dowlada Hassan Culusow waxa ayaa la timid dhaqan aan horey loogu arag maamuladii ku meel gaarka ee horey u soo maray Koonfurta Soomaaliya ka dib dagaaladii sokeeye. Dowlada Hassan Culusow ayaa hubkii iyo hantidii qaranka gacanta u gelisay beel gaar ah, isla mar ahaantaana aysan xakameyn karin beelaha u adeegsan hubkii dowlada inay ku gubaan degaanada Kabxanleey, Deefow, Sh. hoose – No. 50.

Dowlada Hassan Culusow ayaa noqotay Dowlad hantideeda iyo hubkeeda lagu xusuuqo beelaha Direed ee degen Koonfurta Soomaaliya. Dowladan iyo inta u adeegta qorshahoode dhulboobka, barakicinta, xusuuqa ay ka wadaan Kabxanley, Deefow, iyo Sh. Hoose ayaa sabab u noqon doonto inay Gabi ahaan burburto rajadii laga qabay in la helo qaranimo iyo nabad waarta ay helaan umada soomaaliyeed oo ku soo jiray dhibaato in ka badan 23 sanno.

Beesha ka soo duushay Baladweyne ee dhibaateyn dadka degaanka Kabxanleey iyo Deefow ayaa u horseeday Gobolka Hiiraan in uu galo xaalad dagaal, masuul’na ka noqon doono waxa ka dhaca Gobolka oo hadda la ciir ciirayo xaalad dagaal iyo nabad gelyo darro iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

cowslafil.com

1 Comment on "Garoonka diyaaradaha baladweyne oo albaabada la iskuuga dhuftay"

  1. Adeerayaalow dowlad kama jirto dalka ee qabiil ayaa nalagu leenayaaa ee aan qabiil ahaan iskaga dhicino waxba yaan dowlad iyo amisom midna laqabsan.

Leave a comment

Your email address will not be published.