Golaha Wasiirada oo maanta xilka ka qaaday taliyaha Ciidamada Qalabka sida Gen;Indha Qarshe.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shirkoodii caadiga ahaa maanta yeeshay ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Xooga dalka Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), iyagoo magacaabay Taliye cusub.

Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo jeediyay magacaabid taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka iyo xil ka qaadista Taliyihii hore ee Ciidamada xooga dalka, waxaana dood dheer kadib, goluhu ay meel mariyeen magacaabista Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo loo magacaabay Janaral Maxamed Aadan Axmad.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale soo jeediyay in loo dalacsiiyo Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka Maxamed Aadan Axmad darada Sareeye Gaas, maadama uu yahay shaqsi takhasus weyn u leh howlaha Ciidamada, ugana soo baxay kulliyado kala duwan oo dalka dibaddiisa ah.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbrashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulliyadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka ee Ruushka, Muscow, kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka, isagoo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada ah, wuxuuna ahaa Taliye Gaaska Baladweyne, Taliyaha qeybta ciidanka 60aad ee Baydhabo, taliyaha qeybta 21aad ee Dhuusa Mareeb.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Labo Abaanduule ciidan oo ka mid noqonaya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed

Arrintan ayaa qeyb ka ah, dardargelinta, xoojinta iyo tayeynta ciidamada xooga dalka, iyadoo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiidna uu ku ammaanay hogaankii hore ee ciidanka inay heer wanaagsan soo gaarsiiyeen Taliska, loogana fadhiyo hogaankan cusub inuu halkaasi ka sii wado.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Golaha Wasiirada oo maanta xilka ka qaaday taliyaha Ciidamada Qalabka sida Gen;Indha Qarshe."

Leave a comment

Your email address will not be published.