Maalmahaanba waxaa Magaalada Muqdisho kasocday Mooshin ay diyaarinayeen qaar kamid ah Xildhibaanada Qaranka kaasoo lidku ah Madaxweeyne Xassan SH Maxamuud Mooshinkaas oo lagu dalbaayay Kalsooni kala Noqosho,
Madaxweeynaha ayaa waxaa lagusoo eedeeyay Dambiyo waaweeyn oo kusaleeysan xadgudubyo Lid ku ah Qaranimada Soomaaliyeed, Sharciga Qaranka ayaa wuxuu qabaa in mooshin noocaan ah ay Madaxweeynaha ka gudbin karaan 93 Xildhibaan halka ay Mooshinkan ku saxiixan yihiin 115 Xildhibaan,
Mooshinkan ayaa waxaa marka hore gacanta loo galin doonaa Maxkamada Sare oo kasoo baaraan dageeysa sida ay u jiraan Eedeeymahan loo cuskaday Madaxweeynaha kadib ayeeyna kusoo celin doontaa Xildhibaanada Baarlamaanka si ay Cod ugu qaadaan.
Halkan Hoose ka aqriso Qoraalka Mooshinka.
cowslafil.com
Be the first to comment on "Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweeyne Xassan SH Maxamuud oo loo gudbiyay Gudoonka Sare ee Baarlamaanka."