Gudiga difaaca Baarlamanka Somalia oo su.aalo weydiiyay Taliska Amisom oo eedeyn loo jeediyay

Maanta waxaaa kulan su.aalo weydiin ah lagu qabtay xarunta villa Hargeisa ee magalada muqdisho kulankaas ayaa waxaa kaqeyb galay Gudiga difaaca baarlamanka Somalia waxyna kulanka ugu yeereen danjiraha midowga Afrika ufadhiya Somaliya  ahna madaxa howlgalka AMISOM Maman Sidikou, taliyaha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM Jeneraal Jenathan Ronu, ku xigeenkiisa iyo saraakiil kale oo ka socotay taliska Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM
Kulanka oo shir Guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa xubnaha guddiga difaaca ee Baarlamaanku ay weeydiiyeen su’aallo la xiriira sida uu u socda howlgalka gobollada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, sharciyada ciidammada AMISOM, xadgudubyo lagu eedeeyey in Ciidammada AMISOM ay ka geysteen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose iyo deegaanno ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Hiiraan.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa tilmaamay in su’aallihii ay weeydiiyeen xubnaha martida u ahaa waxaana uu uga mahad celiyey aqbalaadda u yeerista guddiga, waxyaabaha la isku af gartayna ay ka mid tahay guddiyo labada dhinac ah in loo saaro baarista xad gudubyada lagu eedeeyey ciidammada AMISOM.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Gudiga difaaca Baarlamanka Somalia oo su.aalo weydiiyay Taliska Amisom oo eedeyn loo jeediyay"

Leave a comment

Your email address will not be published.