Ugaaska beesha Biimaal oo martiqaad hoygiisa ugu sameeyay salaadiin ka soo jeeda beelaha Direed

Ugaaska beesha Biimaal Ugaas Axmed Ugaas Sayid Cali ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho maanta martiqaad ugu sameeyay salaadiin iyo ugaasyo ka soo jeeda beelaha Direed.

Kulankan oo isugu jiray mid loogu dabaal-degayay farxada ciida soon fur iyo in ugaasyada iyo salaadiinta beelaha Direed ay isku dhaafsadaan fekerkooda ku aadan xaalada adag ee uu marayo dalka, iyo sida beelaha Direed u waajahayan marxalada kala guurka ah ee uu dalka marayo.

Ugaas Axmed Ugaas Sayid Cali ayaa qadada kadib ka hadlay kulanka ayaa marka ugu horeysa ugu hambalyeeyay dhamaan umadda soomalyeed farxadda Ciida, ugana baryay Ilaahay in sanadkan kiisa kale uu ku gaarsiiyo nabad buuxda oo ka islaaxda dalka.

Ugaaska beesha Biimaal ayaa sidoo kale uga waramay marti sharafta kulanka safarkii ugu dambeeyay ee uu ku tagay degmada No 50, isagoo uga warbixiyay waxyaabihii ay kala soo kulmeen isaga wafdigiisa degmada No 50.

Kulankan ayaa sidoo kale ugaasyada beelaha Direed uga hadleen sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen kulan looga hadlayo midnimada soomalida oo lagu wado in lagu qabto magaalada Qardho ee Puntland.
Kulankan waxaa goobjoob ka ahaa suldaan Siciid oo ka wakiil ahaa Boqorka beelaha Direed.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Ugaaska beesha Biimaal oo martiqaad hoygiisa ugu sameeyay salaadiin ka soo jeeda beelaha Direed"

Leave a comment

Your email address will not be published.