Wasaarada Awqaafta iyo arimaha Diinta oo shaacisay ciida Berri

Wasaarada Awqaafta iyo arimaha Diinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw shaaca ka qaaday in ay beri oo Jimco ah ay tahay Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Awqaafta iyo Diinta Sheekh Kheyroow Aadan oo goordhaw Warbaahinta Dowlada ka hadlay ayaa shaaciyay in beri ay tahay Ciid,

waxa cadeeyay in goobo badan oo dalkaSoomaaliya ah laga arkay bisha. Dhoor qof oo jooga deegaano kala duwan oo dalka ayaa arkay bisha shawaal , waxaana dadkaasi ay noqdeen kuwa lagu kalsoonaan karo iyadoona si toos ah dadkaasi qadka Warbaahinta Dowlada loo soo galiyay lana hadleen culumaa’udiin. Wadamo badan oo Caalamka Islaamka ayaa sidoo kale looga dhawaaqay in maalinta berito ay tahay Ciidulfidri, waxaana bilowday in Umadaha islaamka ay isugu hambalyeenayaan Munaasaada Ciidul Fidriga.

Be the first to comment on "Wasaarada Awqaafta iyo arimaha Diinta oo shaacisay ciida Berri"

Leave a comment

Your email address will not be published.