Madaxweeynaha Cusub ee Gobolada Dhexe oo balan qaaday in ay si fiican ula shaqeeyn doonaan Maamul-Goboleedyada Kajira Soomaaliya.

Madaxweeynaha cusub ee Gobolada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir oo qudbad Xasaasi ah ka jeediyay kadib doorashiidii ka dhacday Magaalo Madaxda Gobolka Galgaduud ee Dhuusomareeb Goobtaas oo Maamul Goboleed ay u dhan yihiin Dadka degaan ahaan dega Gobolda dhexe lagu soo doortay Madaxweeynihii hogaamin lahaa,

Ayaa waxa uu sheegay in uu ku dadaali doono Maslaxada Ummada Soomaaliyeed oo ay ku dhex jirto tan Maamulka uu Madaxweeynaha ka yahay waxa uuna Carabka ku adkeeyay in si ixtiraam leh uu ula shaqeeyn doono Maamul Goboleedyada ka fac weeyn,

Madaxweeynaha Cusub oo ay ka muuqato Daganaansho iyo aqoon maadi iyo mid diineed ayaa hadalkiisa u muuqday mid meel isugu keenaya Ummada Soomaaliyeed oo aan kala fogeeyneeyn Shacabka walaalaha ah ee loo baahan yahay in ay meel uga soo wada jeestaan danta Guud ee Qaranka,

Sheekh Maxame Shaakir ayaa waxaa lagu soo doortay Cod aqlabiyad leh oo ku dareensiin kara kalsoonida ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed ee degan Gobolada Dhexe Gaar ahaan Gal-gaduud, Hiiraan iyo Koonfurta Mudug Wuxuuna bixiyay astaan muujinaysa daris wanaag aan xadgudub lahayn.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Madaxweeynaha Cusub ee Gobolada Dhexe oo balan qaaday in ay si fiican ula shaqeeyn doonaan Maamul-Goboleedyada Kajira Soomaaliya."

Leave a comment

Your email address will not be published.