Wararkii ugu danbeeyey ee dagaaladii ka dhacay Kabxanleey, Deefoow, Dusmo, iyo Asharaaf

Wararka inaga soo gaaraya degmooyinka Deefoow iyo Kabxanleey ayaa sheegaya in maamulka degaanadan ay maalmahan ka wadaan halkaa sugida amaanka iyo xasiloonada goobahii duulaanka gardarada ay ku soo qaadeen beesha ka soo duusha Bariga Baladweyne.

Waxaa ina soo gaaraya in ciidamada ilaalada degaanadan ay maalin walba ku arkaan meydad hor leh oo daadsan duurka degaanadii lagu dagaalamay, meydadkaas oo ay halkaa uga carareen ciidankii ka soo duulay Bariga Baladweyne.

Maamulka degmooyinka Kabxanleey iyo Deefoow ayaa amar ku bixiyey in la dhowro xuquuqda meydadka, sawirna laga qaadi karin, lana asturo meydadkaas sida ugu dhaqsaha badan oo ay qabto shareecada Islaamka.

Waxaa kaloo ina soo gaaraya in caalamka iyo ciidamada AMISOM ay arkeen markan gardarada beesha Bariga Baladweyne, ka dib markii ay beesha Bariga Baladweyne dagaal ku qaadeen Deefoow subaxnimada bishan juun seddexdeedii, iyadoo balan nabadeed oo ay xaadir ka ahaayeen AMISOM ay halhaa taalay, laguna balansanaa in la kulmo 10’ka subaxnimo, halka ay beesha Bariga Baladweyne dagaal gardaro ah ku qaadeen Deefoow 5’tii xilliga salaada subax. AMISOM ayaa xaadir ka aheyd gogashii tan ka horeysay oo ay fadhiyeen hogaanka dhaqanka beelaha dirirta u dhaxeysa, halkaas oo ay heshiis nabadeed ku gaareen, maalin ka dib hishiiskaa ay dagaal soo qaadeen beesha Bariga Baladweyne, dabna qabadsiiyeen degaanka Deefoow markale.

Waxaa ina soo gaaraya warar sheegaya in isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne iyo garoonka diyaaradaha laga mamnuucay in loo isticmaalo dagaalada sokeeye ee halkaa ka socda. Arrintan haddii ay jirta ayaa ah talaabo wanaagsan oo ay qaadeen maamulka AMISOM, laguna mamnuucayo in beel gaar ah ay u adeegsato hey’adaha dowliga dadka ka dhaxeeya dagaal sokeeye iyo colaad laga huriyo Gobolka.

cowslafil.com

3 Comments on "Wararkii ugu danbeeyey ee dagaaladii ka dhacay Kabxanleey, Deefoow, Dusmo, iyo Asharaaf"

  1. hawiye dhalad ah | June 9, 2015 at 3:26 am | Reply

    fadlan meydadka hala astura reer xabaale galeen yaan lagu dayan waalida iyo cawaanimadooda. sida diintu qabto hala sameeyo.

    allow caqli iyo garasho u keen waa doqon gobolka nala degan…..
    odaygii caydiid ayaa laga hayaa “waligey xawaadle safka hore ee dagaalka uma dirsan maxaa yeelay waa fulayo orod badan”, laakin haddii isbaaro loo dhiibto way haynayaan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk war isla yaaba

  2. hala tuma o xata baqtigooda halaguba wayo ayagaba wey idin dhameyeen o gar dara idinkugu so duleen o dhulkiini gubeen dadkiinina barakiciyeen kuwan walahi in leska dhiciya ayey ku habon tahay wayo naxatiis wax kuma.lahan iska celiya o ba bi iya o xata bariga balad weyne ha uga harina hadaan nahay mamulka westland garabkiina ayan taganahay san horaba u tagneen

  3. Dhamaan waan idin ma had celinaa maamulka westland
    Dad waxa uu ku haboon yahay
    In hadii uu tabar yar yahay
    Abtir wanaagsan leyahay si kastaba reer xabaale ma xishoonayan
    Waxa sideedaba aan la yabaa aniga nin rag ah waa uu dagalamaa waana raaayaa wana laga raayaaa
    Lkn hadii xita la gaa raynayo meydkada in aad meel ku shegi wayda hadii aan nahay somali waa nagu ceeb
    Waxaaba sii dheer dhawac hadlayo oo laga cara raayo aduunka. Inte laga arkay yaab.com xawaadle manta meel oow ku oya. Oo uu garab ka hela hadii uu ogyahay ma jogen ee waa uu aadi la haa

Leave a Reply to wiil jijeele Cancel reply

Your email address will not be published.