Wararkii U Dambeeyey Ee Degmada Marka Iyo Saan-saan Colaadeed Oo Weli Taagan (Warbixin)

Waxaa saakey deggan xaaladda guud ee degmada Marka oo maalmihii ugu dambeyey ay ka dhacayeen dagaallo u dhexeeyey ciidamada maamulka degmada Marka iyo maleeshiyaad Habargidir ah oo ay hogaaminayeen Kaabo mooryaanta Cali Nuure iyo Cabdull.

Ciidamada maamulka degmada Marka ayaa shaley dhowr jeer rasaas culus ku garaacay xarumaha hay’adaha COSV iyo SWISO Kalmo oo ah goobaha ay iska soo abaabulayaan mooryaanta Habargidir ee ay ka degi la’dahay degmada Marka.

Ciidmada AMISOM ayaa saakey soo dul degay dhismaha hay’adaha COSV iyo SWISSO Kalmo si ay u ilaaliyaan ammaanka horjoogeyaasha kala ah Cali Nuure iyo Cabdull oo halkaas ku dhuumaaleysanayo. Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in ciidamada AMISOM soo degaan dhismayaashaasi, waxay na arinta u muuqataa in Cali Nuure uu dalbaday in amnigiisa lagu ilaaliyo halkaasi.

Digniino horey looga bixiyey heshiiskii Afgooye ayaa muujiyey in mar walbo dagaal uu bilaabmi karo maadaama maleeshiyaadkii Habargidir ee duulaanka ku yimid magaalada Marka iyo deegaanada ku hareereysan ay weli kaga sugan yihiin meelaha qaar.

Sidoo kale deegaanada Shalambood iyo Busley Daauud ayaa dadkii deganaa ilaa hadda ay ku maqan yihiin barakac maadaama deegaanadaas ay weli dul degan yihiin maleeshiyaad dharka dowladda xiran iyo kuwoo Habargidir ah oo wada socdo.

Nabadoon reer Sh/hoose ah oo diiday in magaciisa saxaafadda soo xigato ayaa sheegay inaysan suurto gal ahayn in labo ciidan oo dagaal 2 sano socday dhex maray inay is dhexjoogaan. Sidoo kale, wuxuu Nabadoonka sheegay in xalka kaliya ee suurtagalka ah uu yahay in maleeshiyaadka Habargidir loo celiyo deegaanka Carbiska oo ah goobtii horey loogu cayimay haddii la rabo in la kala badbaado, halka ciidamada kalena lagu xareynaayo xerada Ceeljaalle.

Maxamed Xasan Faqi, Ibraahim Cali Xaaji iyo Macallin Barre oo ahaa kuwii horboodaayey heshiis beenaadkii Afgooye ayaa hadda soo taabtay xaqiiqada ah in uur-ku-taalada dadka deegaanka ay u qabaan maleeshiyaadka Habargidir aysan ku dhamaaneynin hadal idaacadaha laga sheego maadaama mooryaanta Habargidir ay geysteen gabood fallo aan la iloobi karin.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Wararkii U Dambeeyey Ee Degmada Marka Iyo Saan-saan Colaadeed Oo Weli Taagan (Warbixin)"

Leave a comment

Your email address will not be published.