Shirka Bariga Baladweyne iyo nabada ay ku baaqeen ma dhab baa mise waa dhalanteet

Warbixinada inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Golaha Badbaadada iyo Samatabixinta Beelaha Gobolka Hiiraan ay ku howlan yihiin dhaqan gelinta hadafyada iyo qorshaha badbaadada shacabka Hiiraan.

shirka_deefow_golaha

Golahan oo ay ku mideysan yihiin dhamaan beelaha Gobolka Hiiraan, marka laga reebo beesha Bariga Baladweyne ayaa ku dhisan qaab wadatashi iyo wax wada qabsi qodobeysan halkaas oo ay ku midoobeen hogaanka Golohan in la dhowro danta iyo maslaxada guud ee shacabka, isla mar ahaantaana laga wada shaqeeyo midnimada, nabadgelyada, horumarka, iyo badbaadada shacabka, dalaga, iyo duunyada intaba.

Ka dib markii gobolka ay la soo daristay dhaqamo cusub oo colaadeed sida, in la xusuuqo dad shacab ah, lana gubo degaan iyo dhulbeereed ayaa arrimaha sida aadka ah loo hadal hayey shirkan ayaa ahaa in si wada jir ah looga hortago wax alaale wixii dhibaateyn shacabka gobolka, isla mar ahaantaana laga wada shaqeeyo dib u dhis iyo dib u dejin dadkii ku barakacay dagaaladii gardarada ahaa ee ku soo noqnoqday Kabxanleey iyo Deefoow.

Waxaa ina soo gaaraya warar sheegaya in baaq nabadeed ay soo jeediyeen beesha Bariga Baladweyne, iyagoo markan carabka ku adkeeyey in ay dhab iyo daacad ka tahay nabada ay ku baaqeen, ka dib markii ay Beeshan horey u jibiyeen balan xabad joojin iyo nabad in la qaato.

Dhaqan xumada laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ayaa ah in lagu xad gudbo nidaamka iyo sharciyada u yaal xeerka nabada. Beesha Bariga Baladweyne ayaa waxay caadeysteen in nabadu ay agtooda ka tahay qorshe dan gaar ah laga leeyahay

  •  Iyagoo caadeystay inay marka hore ku baaqaan nabad, isla mar ahaantaana ay si gaadmo ah dagaal ugu qaadaan dadkii ay la galeen balanta nabada
  • Iyadoo ay maalmahan danbe ay nabadu noqotay barnaamij ama mashruuc “Crash program” caalamka iyo dowlada dhexe lacag looga qaato, markii lacagtaa la helana aysan wax macno leh ku fadhin in la jabiyo balanta nabada
  • Iyadoo qorshaha rasminga ee laga leeyahay nabadu ay tahay mid lidi ku ah macnaha nabada, halkaas oo la doonayo in dadka lagu seexiyo af-macaan iyo ka hadal nabada suuban ee dhaqankeena iyo diinteena aasaas u ah, waxa ka danbeeyase ay tahay duulaan iyo dulmo naxariis darro ah
  • Iyadoo si qaldana looga faa’iideysan quluubta dadka islaamka ee nabada jecel, cod dheer lagu sheegi nabada in la qaato, hoostana laga sifeysan mindiyaha iyo in balaayo laga shaqeeyo.

Inta jeer oo ay Beesha bariga Baladweyne nabad ku baaqday, oo ay balanta ka baxeen xisaab ma leh, maantana beelaha reer Hiiraan iyagaa isku tashaday, sameystayna Gole ka dhaxeeya, una adeega danta dhamaan dadka ku dhaqan gobolka, isla mar ahaantaana lagu badbaadin shacabka beelaha reer Hiiraan.

Hadaba mar aan wax ka weydiinay hogaanka Golaha badbaadada iyo Samatabixinta nabada ay ku baaqeen beesha Bariga Baladweyne, ayaa waxay hogaanka Golahan ka bixiyeen jawaab yar oo kooban, taas oo ah in haddii beesha Bariga Baladweyne nabad laga helo, duulaanka gardaradana ay daayaan, inay iman nabada ay ku baaqeen. Haddii aysan wax ka bedelin dhaqamada lagu bartay, oo ah markay nabad sheegaan inay duulaan soo yihiin, taas jawaabta ku haboon ayaa laga bixin.

DSCN1140

Hogaanka Golaha badbaadada iyo samatabixinta oo ay ku mideysan yihiin 12 beelood ayaa ah maanta awooda
ugu sareysa gobolka, kuna mideysan in la badbaadiyo shacabka Hiiraan, si wada jir ahna looga hortago
wax walbo oo dhibaateyn dadka gobolka u dhashay.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Shirka Bariga Baladweyne iyo nabada ay ku baaqeen ma dhab baa mise waa dhalanteet"

Leave a comment

Your email address will not be published.