Wargeyska Kabxanleey iyo Deefow: Warbixin Shirka wada tashiga beelaha Gobolka Hiiraan iyo Sawiro

DSCN1070

Shirka beelaha soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ayaa ka socda Degmada Deefow ilaa muddo isbuuc ah hadda. Shirka oo ay abaabulkiisa iyo dhaqangelintiisa ay u dhan yihiin beelaha gobolka intooda badan, oo ayna marti geliyeen maamulka degmooyinka Deefow iyo Kabxanleey, ayaa waxaa halkaa ka socday wadatashi badan ee dhanka arrimaha bulshada, horumarka, siyaasada, samafalka iyo badbaadinta mustaqbalka Gobolka iyo shacabka intaba.

images

Beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan ayaa ku soo qulqulayo shirkan, halka ugu danbeyntii la sugayo beesha Jajeelo dhawaan, ka dibna la howl geli doono qorshaha iyo qodobada shirka oo ah sidii loo dhisi lahaa maamul sal iyo saf balaar ah, iyo tiirarka aasaaska i noqon maslaxada iyo mustaqbalka gobolka.

DSCN1071

Shirkaan oo lagu casumay dhamaan beelaha soomaaliyeed ee nabada jecel, daneynaya in laga saaro gobolka colaada iyo fowdada, loona jiheeyo xasilooni waarta, horumar, lagana dhiso gobolka qeybaha kala duwan ee aasaaska u ah horumarka iyo jiritaanka shacabka reer Hiiraan.

DSCN1073

DSCN1072

DSCN1084

DSCN1076

Nidaamka iyo hogaanka la hiigsan inuu ka soo baxo shirkan ayaa ah mid ay qeyb ka yihiin dhamaan beelaha soomaaliyeed ee gobolka, laguna hishiiyo waxyaabaha danta guud oo ay masuuliyad ka saaran tahay dhamaan in la dhowra, si loo ilaaliyo danta iyo xuquuqda dhamaan shacabka, shaqsiga, dalaga, duunyada, iyo mustaqbalka dhow iyo ka fog ee gobolka intaba.

Maamulka shirkan ayaa waxa ay siiyeen mudnaanta hore in marka hore wadatashi dheer oo ay u dhan yihiin beelaha gobolka waqti la siiyo, leyskuna afgarta hadafyada iyo qodobada muhiimka u ah ayaaha gobolka, markaa ka dibna la gudo galo qorsheynta iyo dhaqan gelinta qodobada ay isku af-gartaan dhamaan dadka matalaya qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan.

Waxaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa video laga soo duubay hanaanka iyo qaabka uu ku socda shirka Insha Allaah.

cowslafil.com

2 Comments on "Wargeyska Kabxanleey iyo Deefow: Warbixin Shirka wada tashiga beelaha Gobolka Hiiraan iyo Sawiro"

  1. Waa waxlagu farxo shirka wadatashiga ee reer Hiiraan allaah ha guleeyo waana sidii lagu yaqaanay somalida saxda ah, no wecel aan diin ku dhalan lakiin dadka caqliga iyo diinta usaaxiibka allaah ha sharfo dadka reer surre siday martida usoo dhaweeyen iyago 2 sano kabadan dagaal lagu hayay, edebta iyo akhlaaqduna waa diinta qof aan diinlahayhn lalama tashado reer dirood allaah haydin guuleeyo meelkastood joogtaa wabillaahi tawfiiq

  2. YAAAAAAAAAAB MASAKIIN CIILOON XAWAAADLE GUUUUL CADAWKIISA HOOOS

Leave a comment

Your email address will not be published.