Dhegeyso C/hi qorane “dhibaatada Deefow Gudoomiyaha Hiiraan ee hada iyo kii laqanyo ahaa ayaa ka dambeeya”.

11136676_823235687712579_5562164137291460652_n_440506616

Nabadoon C/hi Maxamed qorane oo ka mid ah Nabadoonada Deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyey xaalada deegaanka iyo arimaha hada ka taagan.

Nabadoonaka ayaa dhibataada ka jirtaa halkaas sheegay inay ka danbeeyaan madaxda sheeganaysa qaranka gaara ahaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

“laba sano iyo xoogaa ayaan deegaankeena ku nabad heli la’nahay maalin kasta dhibaato hor leh ayaa naloo geysnayaa” ayuu yiri Nabadoon C/hi Maxamed qorane.

“C/fataax Xasan afraxa iyo ninkii Laqanyo ahaa labadooda ayaa dagaalka wax ka wada iyagaana sabab u ah” ayaa hadlkiisa uu kusii daray.

Nabadoonka ayaa ugu dambeyn waxa u yiri “Dhulkeena ayey kusoo duuleen waa niman dhul boob u socda mana dhaceyso in ay hantaan dhulkeena taako uga tagi meyno”.
Dhegeyso.

Halkan ka dhageyso:

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhegeyso C/hi qorane “dhibaatada Deefow Gudoomiyaha Hiiraan ee hada iyo kii laqanyo ahaa ayaa ka dambeeya”."

Leave a comment

Your email address will not be published.