Dhageyso: Suldaan Naaleeye ” Xamar Ilaa Kismaayo Hal Tuulo Oo Axmed Madoobe Beeshiisa Leedahay Ma Jirto, Sidee Jilib Iyo Jamame…..”

Dhageyso: Suldaan Naaleeye ” Xamar Ilaa Kismaayo Hal Tuulo Oo Axmed Madoobe Beeshiisa Leedahay Ma Jirto, Sidee Jilib Iyo Jamame…..”

Suldaan Xuseen Xasan Naaleeye oo ka mid ah wax garadka ka soo jeeda jubooyinka oo wareysi gaar ah siiyay Radio Danan ayaa waxaa uu sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku caan baxay musuq maasuq iyo dhibaatada dadka shacabka ee jubooyinka kunool.

Suldaanka ayaa waxaa uu ka hadlay awood qeybsiga xubnaha baarlamanka maamulka jubba waxaa uu sheegay in dhamaan qabiiladii odayaashoodii ka qeebgalay shirkii shalay ku soo dhamaaday kismaayo ay ka soo hor jeesteen qaabka ay wax u wadaan gudiga maamulka jubba.

Waxaa shirkaa iskaga baxay qaar badan oo ka mid ah qabaa`ilka dega jubooyinka iyo Gedo kadib markii odayaashii loo diiday in rabitaankooda ku soo xulaan Baarlamanka uu yeelandoono Jubooyinka.

Gudiga maamulka jubba ayaa waxay odayaasha usheegeen in Baarlamanka lagu soo xulayo rabitaanka mamaulka KMG ee jubba.
Waxaa arintaas si kulul ugu hadlay suldaan Xuseen Xasan Naaleeye oo ku tilmaamay mid ay ka danbeeyaan Urur goboleedka Igad iyo Axmed Madoobe iyadoo dowlada federaalka soomaaliyna raali katahay waxa ka socda kismaayo.

Suldaanka ayaa sidoo kale sheegay in deegaano ay deganyihiin shacab fac ka fac loo diiday in saami ku yeeshaan Barlamaanka,waxaas miyaa loo dul qaadan karaa adeer ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Suldaan naaleeye ayaa waxaa uu sheegay in xadgudub tahay dad ka yimid ithoopia iyo deegaanada puntland qaataan saamigii ay lahaayeen beelaha dega jubooyinka iyo Gedo.

Wuxuu warkiisa ku soo gaba gabeeyay in mar laga bixi doono dhibaatada kataagan kismaayo waxa socdana lagula xisaabtamayo Madaxweynaha dowlada federaalka soomaaliya iyo Axmed madoobe.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhageyso: Suldaan Naaleeye ” Xamar Ilaa Kismaayo Hal Tuulo Oo Axmed Madoobe Beeshiisa Leedahay Ma Jirto, Sidee Jilib Iyo Jamame…..”"

Leave a comment

Your email address will not be published.