31.maarso.2015: Codsi, waxaa lagu wargelin dhamaan ururada samafalka inay gurmad bani’aadanimo

31.maarso.2015: Codsi, waxaa lagu wargelin dhamaan ururada samafalka inay gurmad bani’aadanimo

Dhamaan ururada samafalka ee ku sugan dalka dibadiisa iyo gudahiisa waxaa laga codsan in ay la soo gaaraan gurmad samafal oo loogu gurman dadkii kaqaxay degaanada Deefoow iyo Kabxanleey.

kabxanley_qaxooti

Ciidanka amaanka degaanada Kabxanleey iyo Deefoow ayaa balan qaaday inay suga amaanka ururada samafalka inta ay gudan howlaha samafalka ee loogu gurman shacabkii ku dhibaateysnaa halkaa mudadii uu ka socday dagaalka sokeeye.

Arrimaha samafalka iyo sida looga dhaqan gelin degaanada waxaa kala xiriiri kartaan maamulka degmooyinka Kabxanleey iyo Deefoow iyo hogaanka dhaqanka beelaha ka soo jeeda degaanadan.

Maamulka ayaa ka codsan dadka ka soo jeeda degaanadan inay u istaagaan dibu dhis iyo dib u dejin loo sameeyo dadkii ka barakacay halkaa, mar hadii ay dowladii dhexe ka gaabisay arrimahan.

cowslafil.com

Be the first to comment on "31.maarso.2015: Codsi, waxaa lagu wargelin dhamaan ururada samafalka inay gurmad bani’aadanimo"

Leave a comment

Your email address will not be published.