Warbixintii Ugu danbeeysay ee Dagaalkii Xalay iyo Saaka ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Warbixintii Ugu danbeeysay ee Dagaalkii Xalay iyo Saaka ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Sida aan wararkii hore idiinku sheeganay waxaa maalinimadii Arbacada Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagta isu soo Ururiyeen Ciidamo Badan oo ay ugu tala galeen in ay Guluf Colaadeed ku qaadaan Deegaanada Beesha Surre oo laga nadiifiyay Kow iyo Labaatanka Bisha aan hada Kujirno,

Ciidamadii ay soo Ururiyeen ayaa Habeenimadii Khamiista kala dhuuntay in ka badan kala bar Naftooda u baqay, hase ahaatee maalinimadii shalay ilaa Xalay ayaa Ciidamadii lagu qanciyay in Goobahooda lagu soo Celiyo ayadoo Niyada loogu dhisay in Faalka Beesha Bariga wax ka dagtaa sheegay Guul iyo Geeri la,aan,

Arinta Ururinta Ciidamadan ayaa waxaa ka danbeeyay Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagta oo Ku jira Qabanqaabo Lagu dhisaayo Maamul Goboleed Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagtaa ay si gaar ah u yeelato ayadoo la damacsan yahay in Xaqooda la duudsiiyo Beelaha kale ee Ku dhaqan Gobolka,

Waxeeyna Odayaasha iyo Siyaasiyiintu isla garteen in Marka Hore Gacanta lagu dhigo Kabxanleey iyo Deefoow iyo dhamaan Deegaanada Beelweeynta Surre Si aaneey Caqabad ugu noqon Maamuul Goboleedka ay hal beel Qorsheeysatay,

Si walba ha ahaatee Xalay Markeey Saacada Geeska Afrika ahayd Labadii Habeenimo ayeey soo qaadeen Weerar ay damacsanaayeen in ay kula wareegaan Deegaanada Beel weeynta Surre, Nasiib wanaag waxaa Jilbaha u aastay oo yiri Namari Meeysaan Ciidamada Xaq u dirirka Surre waaneey Caabiyeen,

Mar kale ayeey soo rogaal Celiyeen isla Xalay Markeey saacada Geeska Afrika ahayd Afartii Habeenimo Sidoo kale ayaa mar kale loo Difaacay, Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagta ayaa mar sadexaad Saaka Abaarihii Lixda subaxnimo soo rogaal celiyay si weeyn ayaa looga hortagay waana la jabiyay isla markaana lagama daba harin waa lasii cayrsaday,

Qasaaraha hadaan ka hadalno Beesha Bariga Baladeeyn wax ka degtaa waxaa Dagaaladaas Xalay iyo Saaka Soo Noqnoqday looga dilay Tiro Sodomeeyo ah, waxaana laga dhaawacay in kabadan Lixdan Qofood isla markaana waxaa laga Furtay Afar Daba Jeex iyo Qoryo kale oo badan hada ku jira Gacanta Ciidamada Surre Sidoo kale Ciidamada Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagtaa Waxaa laga Gubay Gaari Tigniko ah iyadoo ay saarnaayeen Dagaal yahano,

Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degta oo Jab iyo Halaag labaday ayaa ku laabtay Fariisimahooda, Isbitaalka Magaalada Baladweeyne waxaa la wareegay Ciidamada Beesha waxaana loo diiday Shacabkii si aaneey u arag Dhaawaca Baaxada leh ee soo gaaray iyadoo haween Xaamilo ah oo Rabay in ay ku umulaan Isbitaalka Loo sheegay in ay Guryahooda Ku dhalaan,

Waqtigan Xaadirka ah Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Bariga Baladweeyne wax ka degtaa waxaa u Socda Shir ay uga arinsanayaan Jabkan Baaxada weeyn ee soo gaaray iyo Qaabka ay uga Gudbi karaan Marxaladan adag ee Damacooda waalan Baday lamana yaqaan Go,aanka ay isla gaari doonaan,

Warbixintan Waxaa diyaariyay Soona Ururiyay Shabakada waraka deefoow.com

Xigasho: Shabakada wararka caalamiga ee deefoow.com

cowslafil.com

Be the first to comment on "Warbixintii Ugu danbeeysay ee Dagaalkii Xalay iyo Saaka ka dhacay Gobolka Hiiraan."

Leave a comment

Your email address will not be published.