Bilad geesinimo: Geesiyada Surre oo ku mintiday kuna shahiiday dagaalada Kabxanleey iyo Deefoow

Bilad geesinimo: Geesiyada Surre oo ku mintiday kuna shahiiday dagaalada Kabxanleey iyo Deefoow

bilad_geesinimo

Dhamaan shacabka beelweynta Surre ee ku dhaqan dunida dacaladeeda ayaa waxay halkan hambalyo iyo bilad geesinimo hawada u soo marinayaan geesiyada sooma jeestayaasha Surre ee huray maalkooda, naftooda, iyo wiilashoodaba inay dib u hantaan degaanadooda Deefoow, Madiina, iyo Kabxanleey.

Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga direynaa dhamaan geesiyada (wiilal iyo gabdho) intaba ee ku shahiiday dagaalka xaq u dirirka ee leysaga dulqaadi dulmiga, 5’tii sanadood ee ugu danbeeyeyna lagu dhibaateynayey Beesha Surre Degaanada Kabxanleey iyo Deefow.

Waxaa maanta si xarago leh oo aan baryo aheyn ugu hoyday hoygoodi Deefoow iyo Kabxanleey dadkii u dhashay, oo ay hogaaminayaan ciidamada xaq u dirirka beelweynta Surre.

Waxaa ku soo qulqulaya furinta hore iyo xuduuda kabxanley iyo Bariga Baladweyne ciidamo aad u hubeysan, aadna u tababaran oo ay ka go’an tahay in ay difaacdaan degaanadooda, iyo weliba aysan macquul aheyn in degaanada qaarna furin dagaal laga dhigo, bariga Baladweyne laga seexdo.

Wixii ka soo kordhaa xaalada degaanada dirirta ay ku dhacday dib ayaan idiinkala soo socodsiin.

cowslafil.com

1 Comment on "Bilad geesinimo: Geesiyada Surre oo ku mintiday kuna shahiiday dagaalada Kabxanleey iyo Deefoow"

  1. Salaan sare salan kadib saxibayal waxad samaysen waa waxii leyfin kuyaqiin ogadana nin gardaran ma gulesto xaqaa shaqeynaya mahmah ayaa dhahaysa biyo dhul lagu areg lagana dhowr taa waxaa lamida maanta dir dhulka halaga dhowro waa cajiib iyo arrin maskaxda kaweyn!! waxase igala liitanimanka udhashey dir ee hadana xawadle soohubaynaya (waa ciisee)balxasuusta gabaygii ahaa adaa idilaye goormaa isaaq doolo oga qaaday??ciidamada reer jabuuyi ee ciise hadaynan hub iyo shidaal iyo daawo soosiin xawadle madoo hunguriyeen deefow iyo kamxanley////hada wixii kadambeeya madashu waa beledwryne oo loogubo sida degow iyo kabxanley hsnala ogaado howshaa waa socotaa–fiifii

Leave a Reply to Coofiye Cancel reply

Your email address will not be published.