Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka saakay ka dhacay Deefoow iyo Kabxanleey

Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka saakay ka dhacay Deefoow iyo Kabxanleey

Dagaalkii saakay aroortii ka bilowday Deefoow ayaa hadda lagu kala baxay oo ciidanka xaq u dirirka beelaha Surre oo la wareegay gebi ahaan degaanada Deefow, Madiina, Kabxanleey. Beelaha Surre oo ay hogaaminayaan saraakiil sar sare oo ay weheliyaan ciidamo aad u hubeysan oo dhowr jiho ka soo weeraray Deefow ayaa waxaa u suuro gashay inay cagta mariyaan beesha Bariga Baladweyne ee Xawaadle oo ilaa in mudo ahba ka waday gobolka Hiiraan isir sifeyn iyo dhulboob.

Beesha Xawaadle ayaa diiday nabada, horeyna u jibisay hishiisyo nabadeed, halka dagaalkii ugu danbeeyey oo ay Deefow ku qabsadeen iyadoo nabada la qaatay, nabadna loo fadhiya ay duulaan gardara ah ku qaadeen Deefow.

Waxaa intaa dheer in xaalada amaanka ee gobolka ay faraha ka sii baxeyso halkaas oo nabadoono soomaaliyeed iyo dad gobolka Hiiraan magac ku leh lagu dilay xaafadaha magaalada Baladweyne.

Waxaa kaloo ay beeshan gardarada iyo dulmiga ku haya gaar ahaan degaanada Kabxanleey iyo Deefoow, kana abuuray xasilooni darro dhamaan gobolka Hiiraan ay duulaan ku qaadeen labo jeer wiigan ciidanka beelaha Surre oo saldhig iyo xarun difaac ka sameystay meel aanan saa uga sii fogeen Deefoow. Taasi waxaa xigtay in ciidama beelweynta Surre oo ay u dhan yihiin agab militery, ay si aanan leex leexad laheyn u abaareen Deefow saakay aroortii, xoogna looga saaray halkaa beesha ka soo duusha Bariga Baladweyne.

Waxaa guuleystay xaqii maanta, kuna jabay halkaa beel waayeelkooda, nabadoonadooda, maamulkooda, iyo shacabkoodaba isku baheystay in ay isir sifeyn ku sameeyaan beelaha Surre ee ku dhaqan Kabxanleey iyo Deefoow. Waxaa hadda leysku hor fadhiyaa duleedka Baladweyne halka awalba xuduuda u aheyd labadan beelood oo ay dirirta u dhaxeyso.

Waxaa socda gurmad saf balaaran oo ay helayaan Beelweynta Surre iyo diyaar garow sidii loo adkeyn lahaa xuduuda degaanada Beesha Surre iyo Bariga Baladweyne.

Wixii kaloo ka soo halkaa dib ayaan idiinkala soo socodsiin.

cowslafil.com

10 Comments on "Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka saakay ka dhacay Deefoow iyo Kabxanleey"

  1. Soomaali oo dhan wey ogaatay cida gardarada ku socoto. Hashiis danbe ma jiro

  2. Aley lahee waan ku diirsaday. Mar hadii xaniinyaha la jaray waa xamdi illaah.

  3. waan idinkugu hambalyey neynaa guusha aad garteen, isla markana aad dib oogu soo ceshateen deganadinii.

  4. Caawo hurdada weey ii macaantahay hadaan ka guu leeysanay dulmi wadayasha

  5. allah ayaayaa mahad leh waamn guulasanay wana guulay sadoonaa dulmiguna waa jabayaa

  6. waxaan kaloo umahad celinayaa cawslafil news oo marwalbaba noo soo gudbiya wararaka aanu xiisaha uqabno

  7. Maxamuud cabdisalaam | March 24, 2015 at 8:28 am | Reply

    Dadkii Quruun deganaa deefoow iyo kabxanleey ee xaqdarada iyo dulmiga la damcay in looga qixiyo si ay dib danbe ugu soo noqonin guryahooda ayaa xag Alle laga yiri maya, maya.
    waxaan rajaynayaa in dadku ogaadu in talada ay ka go,da xag alle . ee ninoow dulmi iska ogaaw.

    Wanaagga waxuu ku jiraa is ixtiraam iyo deriska oo wada noolaada .
    ayadoon cidna la dulmayn.

    • Marka hore ale ayaan umahad celinaa waa iga su aale goormoow nayuu boolis noqday dir goormeysa noqotay dir xaq udirir waxaan alah ugudhaartay ineeysan dir nayuubolis hoos joogtaa dageyn deefow iyo kabxanleey oo ineey dagto iskadhaafe ooysan xitaa joogeyn burdhhinle iyo burukur iyo abaaley ee iska dhaafa ridaad ujirtaan alaahuma balaqtu laa xoowla walaa quwata

  8. Asc walalyal marka hore ilaah mahad leh dagalka jiro melkasto ilah ha ka qaboojiyo tankal walale islaax beena naas ha laga shaqeeyo

Leave a Reply to cabdirisaaq Cancel reply

Your email address will not be published.