Faah faahin dagaalkii u dhaxeeyey Ciidamada Westland State iyo Ciidanka Abdifatax Afrax ee ka soo duulay Bariga Baladweyne

Faah faahin dagaalkii u dhaxeeyey Ciidamada Westland State iyo Ciidanka Abdifatax Afrax ee ka soo duulay Bariga Baladweyne

xulufo_xusuuqa_hiiraan

Dagaal faraha looga gubtay ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday galbeedka Baladweyne.

Ciidamada qaran ku sheega ee ka arrimaya Bariga Baladweyne ayaa ku fidiyey dagaalada iyo xasilooni darada ay ku hayaan gobolka dhowaan galbeedka magaalada Baladweyne oo ay degen yihiin beelo soomaaliyeed oo nabada jecel.

Warar hoose oo aanu ka heleyno degaanada dirirtu ka dhaceyso ayaa sheegaya in beesha Bariga Baladweyne ay ku hubeysay beel qorax san wax ka degta (Beesha Makane) duulaana ay ku qaadeen beesha Jajeele ciidankeeda ka tirsan maamulka Westland State.

Beesha Jajeele oo degen qorax san ayaa la sheegay in dhulka ay iyagu ka degen yihiin qorax sanka ay u diideen in Beesha Xawaadle ay saldhig ciidan oo ay kaga duulaan Deefow ka dhigato, sidaa aawadeed ay Beesha Xawaadle ku hubeysay Beesha Makane oo dagaal ku qaaday beesha Jajeele ee degen dhanka Qorax sanka ee galbeedka Baladweyne.

Dhaawaca iyo dhimashada ina soo gaaraya ayaa ah sidan:

– Beesha Makane 15 geeri iyo 40 dhaawac
– Beesha Xawaadle 8 geeri, iyo mid nolol looga qabtay, iyo 20 dhaawac
– Beesha Jajeele 2 dhimasho, iyo dhaqtarkii ay sida bareerka ah u dileen ciidanka AMISOM iyo wiil ay dhaawaceen.

Ciidamada AMISOM ayaa noqday kuwa u adeega maamulka bariga Baladweyne, AMISOM ma hor istaagi karto markii ay ciidanka bariga Baladweyne ka geysan xasuuq Kabxanleey iyo Deefow, isla mar ahaantaana ay garab ku siin markii ay Beesha Bariga Baladweyne markale colaad iyo duulaan ay ku ahaayeen galbeedka magaalada Baladweyne, AMISOM’na ay halkaa ku dileen dad rayid ah.

Waxaa muuqata in dowlada Hassan Sh. iyo AMISOM ay halkaa u joogaan in ay ilaaliyaan danta beel gaar ah, laguna caburiyo dhamaan beelaha kale ee soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

Wixii warar ah oo ka soo kordha halkaa dib ayaan idiinkala soo socodsiin.

cowslafil.com

6 Comments on "Faah faahin dagaalkii u dhaxeeyey Ciidamada Westland State iyo Ciidanka Abdifatax Afrax ee ka soo duulay Bariga Baladweyne"

  1. Asc salaan ka din waxaan garan Lahay xumanta iyo beenta intaa la eg ee dadka sheegta Dirta ee
    Wax ku qora halkaan xumanta aad intaa la rabtaan iyo in a ad wax aan jirin ka sheegtaan beesha Xawaadle oo ah beel mar Walbo u taagan nabadeynta gobolka hiiraan cidii is hor taagtana qoorta ka gooyso marka Edina hadiiaad tahiin umadaha nabadajecel maxaa meel walbo oo ay dir degto dagaall kawada waxaa halkaa ka cad in a ad tihiin umadaha ugu dhibka badan soomaaliya

  2. KKKKKKKKKKK War kuwan dan la aan badanaa , intaas ma calool jileec ayaad ka raadsaneysaan Jijeele ,,, Caqliga ha shaqeeyo , Xawaadle Gobolkan isagaaaa leh

  3. A/S/C
    Marka hore waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka A/S/C
    salaan kdib, walaalyaal waxaad tihiin website laga akhrisaanayo caalamka oo dhan, marka waxaan idinkula talin lahaa in aad noqotaan website u dhaxeeyo ummadda soomaaliyeed isla markaan aad soo bandhigtaan xaqiiqda jirta.
    Marka walaalayaal ku dadaala in aad noqotaan website soo bandhiga xaqiiqd si ummadda soomaaliyeed ay u akhristaan websiyadkiina
    Mahadsanidiin
    C/risaaq

  4. c/shaakir xaaji cumar sabriye | February 12, 2015 at 6:37 pm | Reply

    kkkk waa wax lagu qoslo in been iyo borobogaandho la daabaco kadib markiii dir laga saaray duuladii yareed ee deefoow oo aan horay usiinay markii eey dhaheen anaga ayaa iska leh deefow sidaas dardeed ayeeey bilaaween dagaal afka ah kkkkkk mar hadii dagaalkii gacanta wax aad kuqaadi waayseen afka maxa ku qaadeeysaan kk mida kale jijeeli iyo xawaadle maa rabtaan inaa isku dirtaan kk wlhi anaga iyo xawaadle waxaa nahay walaalo ama waxaa iskunahay hawiye waana isla soo jabhadeeynay xiligii shabaabka. walaalayaalow hargeeysa dhul karaadsada

  5. War ilaah halaga baqo qabiilna aan iska deyno dhulka leysku dilayana hala joojiyo dad & dhul waxaa soo haraya dhul.

  6. Kkkkk ali husein xawaadle hooyadaa miyaa gobolka siisay carwaakaase nin xawaadle ah oo qori sitta hakasoo gudba buundaliiqliiqata

Leave a Reply to Baladweyne Cancel reply

Your email address will not be published.