Beesha Surre: C/fataax Xassan Afrax waa Beenloow Wax kulan ah oo na dhexmarayna Ma jiraan.

Beesha Surre: C/fataax Xassan Afrax waa Beenloow Wax kulan ah oo na dhexmarayna Ma jiraan.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xassan Afrax oo u waramaayay Idaacada Bar-Kulan ayaa wuxuu u sheegay In uu kormeer ku tagay Goobihii ay dagaaladu ka dhaceen ee Gobolka Hiiraan isla markaana uu la kulmay Labadii Garab ee halkaas ku dagaalamay,

C/fataax oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu la kulmay Labada Beelood ee ku dagaalamay Kabxanleey iyo Deefoow iyo Beelaha dariska ah isla markaana ay isla garteen in
wada hadal lagu dhameeyo Dagaalada Gacan ka hadalka ah.

Beesha Surre oo ka hadashay warka ka soo yeeray C/fataax ayaa ku sheegtay Been aan sal iyo raad midna lahayn waxeeyna intaas raaciyeen in Masuuliyada Dagaalka Ninkii lahaa aanuu marna Dhex dhexaad Noqon karin.

Afhayeenka u hadlay Beesha Surre oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay ku qanci karaan oo kaliya in Beesha Bariga Baladweeyne wax ka dagtaa ay isaga Baxaan Dhulka Surre Markaas kadib ay suura gal tahay in la wada hadlo.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Beesha Surre: C/fataax Xassan Afrax waa Beenloow Wax kulan ah oo na dhexmarayna Ma jiraan."

Leave a comment

Your email address will not be published.