Beesha Bariga Baladweyne oo ku soo uruurisay ciidan beeleed isugu jira Shabaab iyo ciidanka maamulka Gobolka degaanka Deefow

Beesha Bariga Baladweyne oo ku soo uruurisay ciidan beeleed isugu jira Shabaab iyo ciidanka maamulka Gobolka degaanka Deefow

Beesha Bariga Baladweyne wax ka degta ayaa diiday isku day walba oo nabadeed, kuna adkeysatay inaysan wax ka bedeleyn qorshaha guracan ee dhulboobka, dulmiga ay ku hayaan beelaha degen Kabxanley iyo Deefow, isla mar ahaantaana ka dhaqa adeygey inay u hogaansamaan nabada iyo xasiloonida gobolka.

Warar aanu si toos ah u helnay ayaa sheegaya in beesha Bariga Baladweyne ay ku soo uruuriyeen maleeshiyo beeleed isugu jira dhalinyaro laga soo guray baadiyaha beeshan ay degto, iyo weliba dhalinyarada Shabaabka ee ka soo jeeda beeshan.

Maalmahii lasoo dhaafay ayaa waxaa ay weerer ku qaadeen shabaabka ciidamada Liyuuga oo halkaa u jooga inay ilaaliyaan xasiloonida xuduuda dalka Itoobiya. Ciidamada Liyuuga ayaa jawaab ka bixiyey arrintaa oo weeraray halkii laga soo weeraray dagaal faraha looga gubtayna uu ka dhacay halkaa.

Beesha Bariga Baladweyne ayaa weli ku adkeysan in la huriyo colaada ka taagan halkaa kana horyimid qorshaha nabadeynta iyo inay tixgeliyaan xasiloonida degaanada u dhaxeeya Baladweyne iyo xuduuda Itoobiya.

Colaada iyo dulmiga ay ka wado beeshan gobolka ayaa hadda waxaa ku midoobay ciidan beeleed, shabaabka beeshan ka soo jeeda, iyo weliba ciidanka maamulka gobolka oo horeyna ugu qeyb qaadan jiray dagaalada halkaa ka dhaca. Arrinta ayaa waxay saameyn ku yeelatay dhamaan shacabka ku dhaqan degaanada u dhaxeeye Bariga Baladweyne, xadka Itoobiya, iyo weliba dowlada Itoobiya oo arrintan fiiro gaar ah u yeelatay maalmahan danbe mar haddii shabaab ay ku soo dhawaadeen xadka ay la wadaagaan Soomaaliya, Shabaabkana ay weerar ku qaadeen maalin hore ciidanka Liyuuga ee ku sugan xadka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xaalada Gobolka ayaa gashay weji cusub oo qatarteeda leh, masuuliyada dhibka halkaa ka dhacana ay dusha ka saaran tahay beeshan diidan nabada iyo inay joojiyaan dulmiga ay ku hayaan beelaha Kabxanleey iyo Deefow, iyo weliba xasilooni darida ay ka abuureen ilaa xuduuda Itoobiya.

Wixii ka soo kordha xaalada gobolka dib ayaan idiinkala soo socodsiin

cowslafil.com

Be the first to comment on "Beesha Bariga Baladweyne oo ku soo uruurisay ciidan beeleed isugu jira Shabaab iyo ciidanka maamulka Gobolka degaanka Deefow"

Leave a comment

Your email address will not be published.