Rasaas Cul Culus Oo Laga Maqlayo Baladweyne

Rasaas Cul Culus Oo Laga Maqlayo Baladweyne

Wararka aanu ka helnay degaanada Deefow iyo Kabxanley ayaa sheegaya in saaka uu dib u qarxay dagaalka u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa ka soconaya deegaanada deefow iyo kabxanleey,waxaana la sheegayaa in rasaas cul culus ay is weydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya.

Dadka ku nool magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in dhawaqa madaafiic ay maqlayaan.

Saaka ayaa dagaalku dib u bilowday waana dagaaladii ugu qaraaraa ee ka dhaca degaanadan dhawaqa hubka cul culus oo ay labada dhinac isla dhacacyaana laga maqlayo magaalada Baladweyne oo uu inta badan markii hore dagaalka aad ugu fogaa.

Beesha ka soo duusha Barriga Baladweyne ayaa muddo labo sanno ka badan waxay halkaa ku dhibaateynayeen beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kabxanleey iyo Deefow, degaanadoodiina horey u gubeen halka dhamaan dadkii halkaa ku noolaa ay ka qaxeen. Waxaad moodaa maanta dhibka ay ka wadaan Gobolka, hubkii cuslaa ay ku garaacayeen shacabka reer kabxanleey iyo Deefow ay maanta dhagahooda ku maqlayaan dadka degen Barriga Baladweyne.

Illaa hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka maanta dib ayaan idiinkala soo socodsiin.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Rasaas Cul Culus Oo Laga Maqlayo Baladweyne"

Leave a comment

Your email address will not be published.