Dagaal gardaro ah oo lagu soo qaaday dadka degaanada Kabxableey iyo Deefoow

Waxaa ina soo gaaraya in saakey aroonimadii 4’tii (ama tobansaac) in la soo weeraray degaanka Kabxanleey, laguna soo weeraray tekniko badan iyo ciidan magac iyo dareeska dowlada wata . Ciidankan oo ah guutooyinka ku shaqeeya magac dowlad, hubkii iyo hantidii qaranka oo ay shacabka ku difaaci lahaayeena u soo qaatay inay ku laayaan/burburiyaan dadka iyo degaanada Kabxanleey iyo Deefow.

 

Beesha duulaanka ah ee Xawaadle waxa ay leeyihiin waxaan degaanadaa ka tirtireynaa dadka Dirka ah ee halkaa ku dhaqan, balse waxay weli iska indha tiri Dir inay yihiin dad Degaano iyo Dowlado intaba leh, oo degen dhamaan geeska Afrika. Dir waa dadkii u soo gurmaday Gobolka Hiiraan markii uu xaalada adag iyo fatahaada webiga ay ka jirtay halkaa. Dir waa dad Soomaalinimada, nabada iyo deris wanaaga jecel balse aanan qaadaneyn dulmi, dagaal gardaro iyo isir sifeyn salka ku hayo.

Waxaa la sameeyey isku day badan oo ay dad soomaaliyeed oo leh culumo iyo dhaqan intaba ay la hadleen beesha Xawaadle hogaankooda iyo dhaqankooda intaba, oo ay beeshan nabadii laga raadiyey ka doorteen xabad iyo dagaal gardaro ah oo ay ku soo qaadeen beeraha iyo shacabka degaanada Kabxanleey iyo Deefoow. Beesha Xawaadle waxa ay halkaa ka wadaan oo ah inay dhul dadkale uu Illaahey (swt) ku unkay inay xoog iyo sharci daro ku qaataan, cidii hor istaagtana ay xabad ooda uga qaadaan, haddii xabad loogu jawaaba oo ay dad halkaa uga dhintaana ay leeyihiin dad ayaa nalaga dilay. Haddaba waa kuugu soo duuli uu ku dili, hadana kuugu eedeyn waad i dishay, hadalkaa meel loo raaca ma laha ee beeshan xaqa iyo daris wanaaga Illaahey (swt) ha tuso.

Haddaba dadka reer Kabxanleey iyo Deefow gacmaha kama laabanayaan duulaanka gardarada ah ee lala soo doontay degaankooda, waxaana ina soo gaaraya in dagaalkii gardarada ahaa oo ay saaka soo qaadeen inay ku jabeen kuwii soo duulay, meydkii ay halkaa ugu carareen dartii xabada looga qaboojiyey si ay u qaataan una asturaan meydadkii ay halkaa uga carareen.

Weli waxaa taagan xaalad colaadeed oo ay beesha Xawaadle markale la sheegayaa inay qeylo dhaan iyo ciidan ka soo gurayaan berriga Baladweyne, una socdaan markale inay qaadaan duulaan gardaro ah ujeedkiisuna yahay isir sifeyn dadka Dirka iyo beeraleyda ah looga tirtirayo degaanadooda.

Waxaan Illaahey (swt) uga baryeynaa inuu kuwa dulmiga wadana uu xaqa tuso, degaanadaa iyo Gobolkana nabad waarta ay helaan Insha Allaah.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dagaal gardaro ah oo lagu soo qaaday dadka degaanada Kabxableey iyo Deefoow"

Leave a comment

Your email address will not be published.