Sannad Guuradii 1’aad ee Ururka Midnimada Direed, 12.august.2019

Sannad guuradii koowaad ee Ururka Midnimada Direed, 12.august.2019. Hambalyo Hambalyo Hambalyo !!!

Hambalyo: Sannadguuurada 1aad ee Ururka MIDNIMADA Direed.

Golaha iyo Ururka MIDNIMADA Direed (UMD) waxa uu sanad jirsaday 12 Augusti 2019. Munaasabadii Sanadguurada UMD waxay ku soo beegantay munaasabadii CIIDA CARAFA sidaas daraadeed ayaanu gudi ahaan go,aansanay anakoo qadarineyna qiimaha CIIDA CANFARDA inaanu dib uriixno oo ku beegno maanta oo ah 17 Augusti 2019 .

Walaayaal marka hore ilaahay ayaan ugu mahadnaqayaa inuu inoo suurageliyey inaynu golahan isugu nimaadno.

Waxaan kaloo u mahadnaqayaa walaalkeen Ismail Daallo oo ahaa xubuntii gacantiisa ku sameeyey golahan 12 Augusti 2018, iyo weliba intii kale ee kala qaybqaadatay fekerkan iyo dhaqangelintiisaba.

Waxaan kaloo u mahadnaqayaa dhamaan xubnaha hogaanka UMD, Gudiga Fulinta, Golahana Guurtida, Gudiga Anshaxa iyo dhamaan xubnaha kale ee gudihoosaadyada golaha sida gudiga Siyaasada, Dhaqaalaha, Arimaha Bulshada iyo Saxaafada.

Sidoo kale waxaan mahad, bogaadin iyo hambalyo halkan uga soo dirayaa dhamaan xubnaha golaha iyo Ururka MIDNIMADA Direed oo habeen iyo maalinba si hagarla,aan ah ula barbartaagan gudiga taageero, talo iyo dhiirigelinba. Waxaan idin leeyahay jira oo jooga.

MAHADNAQ GAAR AH:
Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa xubnaha goleheena ka midka ah ee wakhtiga dheer u halgamaayey qadiyada Direed, si gaar ah waxaan u xusayaa Suldaanka Golaha iyo Ururka MIDNIMADA Direed Suldaan Bashir Mohamed Geele oo ah siraad ubaxaaya DIR.

WA BILAAHI TOWFIIQ

Ibrahim A. Adan
Gudoomiyaha Ururka MIDNIMADA Direed

cowslafil.com

Be the first to comment on "Sannad Guuradii 1’aad ee Ururka Midnimada Direed, 12.august.2019"

Leave a comment

Your email address will not be published.