BAAQ KU WAJAHAN MADAXWEYNAHA, XUKUUMADA, CIIDAMADA AMNIGA IYO DHAMAAN MADAXDA SOMALI STATE

Raiisal Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Dalka Itoobiya mudane Abiy Ahmed

Ku: Madaxweyne Somali State mudane Musafe Muhumad Cagjar
Ku : Beesha Caalamka iyo Hayadaha Xuquuqal-Insaanka
Ku: Saxaafada Geeska Afrika iyo guud ahaan Saxaafada Caalamka

Ujeedo: BAAQ KU WAJAHAN MADAXWEYNAHA, XUKUUMADA, CIIDAMADA AMNIGAIYO DHAMAAN MADAXDA SOMALI STATE

Salaadiinta, Boqorada, Ugaasyada, Cuqaasha, Siyaasiyiinta, Aqooyahanka, Saraakiisha, Ganacsatada, Culumaaudiinka, Haweenka iyo Dhalinyarada ku bahoobay Ururka MIDNIMADA Direed waxay halkan baaq canaan ah halkan uga soo jeedinayaan madaxweynaha, xukuumada iyo dhamaan ciidamada Somali State ee ku fashilmay ama indhaha ka qarsaday inay shacabka Somaaliyeed ee gobolka Sitti ka difaacaan ciidamada LIYU POLICE-KA CARFARTA iyo malayshiyooyinka hubaysan ee QOOMIYADA CANFARTA.

Ururka MIDNIMADA Direed, Beesha Madoobe DIR (Ciise) iyo guud ahaan Beelweynta Direed waxaa ucadaatay in Dawlada Somali State oo ugu horeeyo Madaxweyne Musafe Cagjar aanay udiirnaxayn oo dan ka lahayn xasuuqa, dilka, boobka iyo barokicinta ciidamada Liyu Police-ka Canfartu ku hayaan shacabka reer Sitti.

Ururka MIDNIMADA Direed waxay aad iyo aad uga xunyihiin dilka, xasuuqa, boobka iyo barokicinta ay ciidamada LIYU POLICE-KA CARFARTU oo kaashanaaya malayshiyooyin Canfar ah, oo aad uhubausan, ku hayaan shacabka beelweynta Direed ee ku dhaqan gobolka Sitti. Hogaanka iyo xubnaha Ururka MIDNIMADA Direed (UMD) waxay cod dheer kaga dalbanayaan Dawlada Federaalka ah ee Dalka Itoobiya inay sida ugu dhakhsaha badan talaabo uga qaado Maamulka CANFARTA iyo weliba ciidamadooda LIYU POLICE-KA ee sida arxandarada ah ugumaadaya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee gobolka SITTI iyo weliba gaar ahaan Beesha Madoobe DIR (Ciise) Sidoo kale Dawlada Somali State waxaanu usheegaynaa inay shacabkaas masaakiinta ah ee xasuuqa lagu hayo loo diro ciidamo suga amnigooda iyo in weliba gurmad deg deg ah lala gaadho. Sidoo kale waxaanu Beesha Caalamka iyo hayadaha xuquuqal Insaanka ka codsanaynaa in loo gurmado shacabka masaakiinta ah ee xasuusqa lagu hayo.

Fiiro gaar ah: Ururka MIDNIMADA Direed waxaa ku bahoobay qurbe iyo qaranjoogtii Afarta haamood ee beelweynta Direed ( Madaxweyne Dir, Madoobe Dir, Madaluug Dir iyo Maha Dir)

22 Jun 2019
Stockholm, Sweden
Ibrahim A. Adan
Gudoomiyaha Ururka MIDNIMADA Direed (UMD)

Baaq degaanka Sitti ee Somali State

cowslafil.com

Be the first to comment on "BAAQ KU WAJAHAN MADAXWEYNAHA, XUKUUMADA, CIIDAMADA AMNIGA IYO DHAMAAN MADAXDA SOMALI STATE"

Leave a comment

Your email address will not be published.