Hambalyo 18.may (sanad guuradii 28’aad ee dib ula soo noqoshada xoriyada Somaliland)

Ujeedo: Hambalyo 18.may (sanad guuradii 28’aad ee dib ula soo noqoshada xoriyada Somaliland)

Salaadiinta, Ugaasyada, Boqorada, Odayaasha, waxgaradka, Siyaasiinta, Aqooyahanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo Saraakiisha beelweynta Direed ee ku bahoobay Ururka MIDNIMADA Direed ayaa halkan ugu hambalyeyn Jamhuuriyada Somaliland, ka dib Sanad guurada 28’aad ee dib ula soo noqoshada xoriyada iyo qaranimada Somaliland oo dhowaan (18.may.2019) si aad ah looga dabaaldegay dhamaan dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Waxaanu halkan uga hambalyeyn dhamaan Hogaanka iyo Shacabka Somaliland oo ka dib markii ay dib ula soo noqdeen xoriyadooda qaranimo, abuuray jawi nabadgelyo, horumar, iyo nidaam kala danbeyn dowli ah oo badbaado u noqday reer Somaliland gaar ahaan, iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan geeska Afrika.

Waxaa si gaar ah halkan habmalyada uga diraya hogaanka Golaha Guurtada, Gudiga Fulinta, gudi hoosaadyada iyo xubnaha Ururka Midnimada Direed oo kasoo kala jeeda dhamaan degaanada iyo dowladaha geeska Afrika.

WA BILAAHI TOWFIIQ
20 May 2019
Ibrahim A. Adan (Gudoomiyaha Ururka MIDNIMADA Direed – UMD)

Hambalyo_Somaliland_18may2019

cowslafil.com

Be the first to comment on "Hambalyo 18.may (sanad guuradii 28’aad ee dib ula soo noqoshada xoriyada Somaliland)"

Leave a comment

Your email address will not be published.