Hambalyo iyo bogaadin ku wajahan labada beelood ee walaalaha ah ee Ciise iyo Gurgure ee heshiisku ku dhexmaray magaalada Dirirdhaba.

Salaadiinta, Ugaasyada, Boqorada, Odayaasha, waxgaradka, Siyaasiinta, Aqooyahanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo Saraakiisha beelweynta Direed ee ku bahoobay Ururka MIDNIMADA Direed, waxay halkan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobin karin uga soo dirayaan labada beelood ee walaalaha ah ee ka tirsan beelweynta Direed ee kala ah beesha Ciise iyo beesha Gurgure ee heshiisku ku dhexmay magaalada Diridhaba

Ilaahay ayaanu ugu mahadnaqaynaa inuu walaalahayo garansiiyey inay colaadii ku bedelaan walaaltinimo, wadajir iyo iskuduubni

Waxaanu kaloo ilaahay idiinka baryeynaa inuu idiin adkeeyo nabadaas iyo walaaltinimadaas oo ay noqoto nabad waarta oo loo aayo wiil ka wiil, aamiin, aamin, aamiin.

Ugu danbayntiina waxaanu u mahadnaqaynaa madaxdhaqameedka iyo waxgaradka labada beelood ee Ciise iyo Gurgure oo ay ugu horeeyaan labada Ugaas, Ugaas Musafe Mohamed Ibrahim iyo Ugaas Siyaad Daa,uud Cumar.

WA BILAAHI TOWFIIQ
27 March 2019
Ibrahim A. Adan
Gudoomiyaha Ururka MIDNIMADA (UMD)

Hambalyo iyo bogaadin heshiiska Ciise_iyo Gurgure

cowslafil.com

Be the first to comment on "Hambalyo iyo bogaadin ku wajahan labada beelood ee walaalaha ah ee Ciise iyo Gurgure ee heshiisku ku dhexmaray magaalada Dirirdhaba."

Leave a comment

Your email address will not be published.