Warsaxaafadeed: Ururka Midnimada Direed ayaa diraya Warsaxaafadeed looga jawaabi hadalka Mustafe Cagjar

Ku: Saxaafada ku hadasha afka Somaliga
Ogeysiin: Xukuumada Somali State
Ogeysiin: Xukuumada federaalka ah ee dadka Itoobiya

Ururka UMD oo warsaxaafadeed ka soo saaray hadalka Madaxweyne Mustafe Cagjar uu kaga jawaabay Shirkii beelaha Direed ee ka dhacay Caasimada dalka Itoobiya – Addis Abeba

Ururka Midnimada Direed waa urur ay ku midoobeen haldoorka beelaha Direed ee kale ah Boqorada, Salaadiinta, Ugaasyada, Waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda
kala duwan ayaa ku tilmaamay hadalka Madaxweyne Cagjar mid meel ka dhac ku ah Beelaha Direed ee ku dhaqan Somali State.

Shirka Beelaha Direed ee lagu qabtay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Abeba wuxuu ahaa shir dhaqan oo nabadeed, waxaana lagu doortay guddi ka kooban 41 xubnood oo noqon doona Golaha Guurtida Beelweynta Direed iyo guddi hoosaadyo. Waxaa kaloo madax dhaqameedkii halkaa isugu yimid Baaq nabadeed ay u Direen dadka walaalaha, oodwadaagta iyo qowmiyadaha aynu jaarka nahay ee ku dhaqan Somali State iyo Itoobiya. Meelaha Baaqa nabadeed loo direy waxa ka mid ahaa:

 * Xiisadda colaadeed ee ka taagan Tulli Guuleed ee u dhaxeysa beelaha Soomaaliyeed ee Jaarso iyo Geri
 * Xiisadda Colaadeed ee degaanka Mooyaale ee u dhaxeysa beelaha Direed ee Garre iyo Booran (Cali Madaxweyne Dir)
 * Xiisadda ka taagan degaanka Dire Dawa, ee u dhaxeysa Beesha Ciise iyo Aromo, Ciise iyo Canfar

Waxaa kaloo loo xilsaaray guddi dhaqan oo ka howlgala arrimaha nabadeynta degaanadan aan kor ku soo xusnay.

Haddaba Madaxweyne Mustafa Cagjar oo ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey shirkan ayaa wuxuu yiri:

«Waa shir qabiil, fikir qabiil, iyadoo leysku uruursanayo jufo jufo, shirka dadka qabanaya 90% dad degaanka u dhashay ma aha, waa dad waddamada jaarka ah ka yimid, waan hubinay in dadka shirka yimid ay yihiin 90% dad degaanka aan u dhalan, sidaa aawadeed, inama khuseeyo shirkan, wixii ka soo baxana, wax degaankeena khuseeya ma noqon doono»

Haddaba waxaa mudan in leys weydiiyo su’aasha ah;
 * Miyeysan khuseyn Mustafe Cagjar iyo Somali State arrimaha nabadeynta dadka iyo degaanada is maamulka Soomalida Itoobiya?
 * Beelweynta Direed ee shirka qabsatay waxay ka kooban tahay afar haamood oo kala ah Madaxweyne Dir, Madaluug Dir, Madoobe Dir iyo Mehe Dir. Ma sheegi karaa madaxweynuhu afartaas qolo midka aan degaan ku ahayn Ethiopia.

Mustafa Cagjar waxaa kaloo uu sheegay in dadka shirkaa joogay ay ahaayeen 90% dad ka yimid wadamada deriska. Haddaba halka xisaabtaa uu ka keenay isagaa la weydiin. Ururka Midnimada Direed oo qeyb ka ahaa abaabulka iyo diiwaan gelinta dadkii halkaa isugu yimid wuxu idiin caddeyn in martida dalalka deriska ka timid ay ahaayeen xubno kooban oo ah madaxdhaqameedkii (Ugaasyo, Boqorro iyo Salaadiin) la yaqaannaay ee ay beeluhu lahaayeen. Dirka ugu badan geeska Afrika waxa uu ku nool yahay Itoobiya, halka tirada dadka iyo degaanada Direed ee Somali State ay yihiin ugu yaraan 65%.

Hadalka deelqaafka ah iyo xaqiraadda ka soo yeedhay Ina Cagjar waa hadal xadgudub ku ah shucuubta ballaadhan ee ku dhaqan degaanka ismaamulka Somalida Itoobiya.

Jawaabaha kale ee uu mustafe Cagjar siiyey warbaahinta ayaa ahaa hanjabaad;
 “Ciddii shir aan khuseyn degaanka ka qeyb gasha, degaankana u dhalatay, waxaan oran karnaa, waxay jibisay sharuucdii iyo qawaaniintii u yaallay degaanka, iyadoo aanan fasax ka heysan xukuumadda weliba”
 “Salaadiin la yaqaano oo waaweyn, oo can ah, ama ugaasyo la yaqaano, oo siyaasadaha dalalka jaarka qeyb ka ah ayaa maanta Addis Abeba jooga, oo leh waxaan ka hadleynaa xaaladda siyaasadda degaanka Somali State, waa khalad taasi, arrimahaas in laga waantoobo ayaan soo jeedin.”

Haddaba haldoorka Direed ee joogay shirka Addis Abeba waa hoggaankii dhaqanka, sida caadada ahna beelaha Somalida waxa ay leeyihiin hal Suldaan/Ugaas/Boqor oo matala Shacbiyad ku nool waddamo badan oo deris ah, hoggaanka dhaqanku waa ay ka tallaabaan xuduudaha marka ay ka qaybgalayaan howlo nabadeyn iyo turxaan-bixin ah. Guddigii/guddiyadii halkaa lagu doortay kuma jiro guddi siyaasad, balse waxay ahaayeen guddiyo ka hawlgali doona arrimaha midnimada, turxaanbixinta iyo nabadeynta colaadaha ka jira Somali State oo aan kor ku soo xusnay.

Waxa mudan in la xusuusiyo Mustafe Cagjar isagoo ah Madaxweynaha Somali State, in uu u gurmaday, maal iyo xoogna ku bixiyay deminta colaad u dhexaysay beelo ay isku heyb yihiin oo ku dhaqan Gobolka Sool oo ka baxsan maamulkiisa.
Arrintaas cidina kumey ceebeyn ee waaba lagu bogaadiyay. (inkastoo uu si sharcidarro ah ugu takrifalay dhaqaalihii DDS).

Haddaba maxaa sharci daro ka dhigay in hoggaan dhaqan oo ehel u ah beelaha Direed ee ay dirirtu ku dhex martay Somali State ay ka yimaaddaan waddamada jaarka la ah, kana shaqeeyaan samafalka iyo nabadeynta degaannada ka tirsan Somali State oo ay ku nool yihiin dadka ku abtirsada Dirka?

Weliba waxan idiin xusuusinayaa in Ina Cagjar aanu waxba ka qaban colaadda ka ololeysa Tuliguuleed oo u jirta Caasimadda Jigjiga wax ka yar 10 km.

Ina Cagjar ma isagaa Sharci dejinta, Sharci Fulinta, iyo Dowladaba isku ah?

Waa maxay sharciga u oggolaanaya in isagu uu qeyb uga noqdo gurmadka iyo nabadeynta beelaha ay isku heybta yihiin ee ku dhaqan Gobolka Sool, halka uu leeyahay waa khalad in hoggaan dhaqan soomaaliyeed ay ka yimaaddaan waddamada Jaarka iyagoo u socda xallinta colaadaha ka jira degaannada ay ku nool yihiin dadka Direed ee haybwadaagta ah.

Waa maxay sharciga u oggolaanaya in dad ay Ina Cagjar isku heyb yihiin ka qeyb galaan Shirar beeleedyo ka dhacay magaalooyinka Qardho, Garoowe, Kenya, iyo Jigjiga? halka dadka Direed oo ka qeyb gala Shir beeleedka Addis Abeba ay sharci jebin/darro ku noqotay? Ina Cagjar isagaa laga rabaa inuu sheego sharciga oggolaanaya in beeshiisa ay ku shirto halka ay doonto, beelaha kalena ay ciqaab ku muteysanayaan haddii ay la shiraan dad ay isku heyb yihiin.

Haddaba annagoo ka jaan qaadeyna hadallada uu warbaahinta siiyey Madaxweynaha ku-meelgaadhka ah Mustafe Cagjar, Waxaan cambaareyneynaa hadalka ka soo yeedhay qof huwan masuuliyad madaxweyne oo u dhaxeysa shacbiga soomaalida Dowlad degaanka Itoobiya.

Waxa la gudboon Madaxweyne Cagjar in uu si deg deg ah raalligalin uga ka bixiyo gafkaas ay caadifadda qabyaaladeed iyo isir-nacaybku ka muuqdaan, ee uu kula duldhacay Shirweynaha Beelweynta Direed ay ku qabsadeen Addis Abeba.

WA BILLAAHI TAWFIIQ
TAARIIKHDA: 03.MAARSO.2019

STOCKHOLM, SWEDEN
ABDULKARIM AHMED WARSAME
GUDOOMIYE KU-XIGEENKA UMD
…………………………………………………………………

Warsaxaafadeed looga jawaabi hadalkii meel ka dhaca ee ka soo yeeray Madaxweyne Mustafe Cagjar

cowslafil.com

Be the first to comment on "Warsaxaafadeed: Ururka Midnimada Direed ayaa diraya Warsaxaafadeed looga jawaabi hadalka Mustafe Cagjar"

Leave a comment

Your email address will not be published.