Xaflad caleemo saarka ugaaska Beelweynta Gurgure, Ugaas Siyaad Daa’uud Cumar

 

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09.febraayo.2019 lagu qabtay xaflad lagu caleemo saari Ugaaska 54’aad ee Beelweynta Gurgure, Madaxweyne Dir (curadka Beelaha Direed).

 

Kulankan caleemo saarka Ugaaska Direed ugaas Siyaad Daa’uud Cumar ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Dire dhabe, garoonka kubada cagta ee magaaladan, halka ay marti sharafta iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan ay xilligan ugu soo qulqulayaan halka xaflada caleema saarka ay ka dhici.

 

 

Xafladan caleemo saarka oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Somali State, iyo weliba gaar ahaan wafdi culus oo matalaya dhamaan beelaha Direed (Madaxweyne, Mandaluud, Madoobe, iyo Mehe DIR).

 

 

Waxaa halkan hambalyo ka diraya dhamaan qurbo joogta beelaha Direed, soona dhaweyn kulanka caaleemo saarka Ugaas Siyaad Daa’uud Cumar oo ah dhacdo taariiqi ah oo miisaan ku leh dhamaan shacbiyada balaaran ee ku dhaqan geeska Afrika.

 

Waxay maanta inoo tahay maalin farxadeed oo mudan in laga xuso dhamaan geeska Afrika, gaar ahaan degaanada beelaha Direed min tuulo ilaa Gobol laga soo bilaabo koonfurta Somaaliya, Somaliland, Jabuuti, Somali State iyo NFD oo intaba looga Hambalyeeyo Caleemo saarka Ugaas Siyaas Daa’uud Cumar.

 

Ugaaska Siyaad waxaan ugu duceyn inoo noqda kii Diintiisa, Dadkiisa, iyo Dalkiisaba anfaca, Aamiin.

 

cowslafil.com

 

 

Be the first to comment on "Xaflad caleemo saarka ugaaska Beelweynta Gurgure, Ugaas Siyaad Daa’uud Cumar"

Leave a comment

Your email address will not be published.