Ururka UMD oo warsaxaafadeed ka soo saaray khilaafka ka taagan maamulka dawlad degaanka soomaalida Ethiopia. 26.01.2019.

Ururka Midnimada Direed oo ah urur ay ku midoobeen qabaa`ilka ugu tirada badan degaannada soomaalida ee dalka Ethiopia, ayaa ku tilmaamay khilaafka ka soo ifbaxay maamulka degaanka mid laga xumaado oo hagardaamo ku noqon kara geeddisocodka iyo isbaddalka siyaasadeed ee dhanka demuqraadiyadda iyo caddaaladda loo qaaday, kana hirgalay dalka intiisa badan.

Isbeddalkaas oo ay hoggaaminayaan dhiig cusub oo uu majaraha u hayo ra`iisalwasaaraha dalka mudane Abiy Ahmed.

Shacbiga reer Ethiopia intiisa ugu badani aad bey u soo dhaweeyeen, waxayna galisay rajo iyo yididdiilo fiican oo dhanka horumarka iyo nabadgalyada mustaqbalka Ethiopia guud ahaan iyo waddamada la jaarka ah ee ku yaalla geeska Afrika.

Shacabka soomaalida ah ee ku nool killilka shanaad ee Ethiopia (Somali State) waxay kala mid yihiin dareenka guud iyo soo dhaweynta isbaddalka cusub shucuubtaas faraha badan iyo qowmiyadahaas kala duwan ee dalku ka kooban yahay.

Waxaaase nasiibdarro noqotay in madaxweynaha kumeelgaadhka ah ee killilka shanaad Mustafe Cagjar aad mooddo in uu la jaanqaadi kari la`yahay isbeddalkaas siyaasadeed ee shacbiweynaha soomaalida Ethiopia in badan sugayeen, maantana ay si farxad leh ku soo dhaweeyeen. Taasi waxay keeneysaa in ay dadku ka niyadjabaan oo ay lumiyaan kalsoonidii ay u hayeen, isla markaana ay ugu baaqaan Mudane Cagjar in uu xilka ku cuslaaday isaga tago oo aanu carqalad ku noqonin horumarka iyo caddaaladda ay shacbiga soomaaliyeed higsanayaan.

Dhanaka kale waxa iyaduna layaab leh oo aan si culus u cambaareyneynaa in jabhaddii ONLF, iyo kooxihii la magacbaxay Dulmidiid, ay maanta noqdaan Dulmidoon, iyaga oo si qabyaaldeysan dabada uga riixaya Madaxweyne Cagjar, dantooduna tahay sidii ay u sii haysan lahaayeen sadbursiga xaaraanta ah oo ay muddo dheer ku haysteen maamulka degaanka soomaalida Ethiopia.

Waxa taas ka sii daran in Telefishinkii SRTV uu noqdo mid loo isticmaalo qabyaalad foolxun iyo iskudirka shacbiga soomaaliyeed. Waxa ka dhalan kara colaad sokeeye oo qabiillada soomaalida ka dhexdillaaca. Sidaas darteed waxan soo jeedineynaa in degdeg tallaabo sharci ah looga qaado shakhsiyaadka ka masuulka ah warfaafinta dawlad degaanka, gaar ahaan telefishinka SRTV.

Waxan leennahay kooxahan boobka u socda, candhuufta dib u liqa oo u diyaargarooba in aad dadka soomaaliyeed ee walaalihiin ah si caddaalad ah wax ula qaybsataan. Waxa aad tihiin hal qabiil oo ka mid ah 36ka qabiil ee soomaalida ah, mana dhici karto in aad kaligiin magacooda afduubataan. Waxa aad heleysaan saamiga aad xaqa u yeelataan oo kaliya, waanad ku khasbantihiin in aad ku qanacdaan, sida dadka kale ee idinla midka ah.

Awoodda iyo maamulka xisbiga talada haya ee ay ku mideysanyihiin shacbiga soomaaliyeed, waa in si caddaalad ah oo siman ay u qaybsadaan 36ka qabiil ee deggan dalka. Ma aqbaleyno, mana dhici karto in la yidhaahdo gobolladii iyo degmooyinkii sida xaaraanta ah lagu dhisay ayaa laga soo xulayaa xubnaha iyo wakiillada xisbiga. Taasi waa caddaalad xumadii aynu ka guureynay oo dib loogu noqon maayo.

Ugu dambeytii waxan bogaadineynaa oo aan taageero buuxda la garab taagannahay Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraaddiga Shacbiga Soomaaliyeed, ahna Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Ethiopia Mudane Axmed Shide.

ALLAA MAHAD ISKA LEH.

TAARIIKHDA: 26.JANAAYO.2019
…………………………………………………………………

Warsaxaafadeed_26janaayo_2019

cowslafil.com

Be the first to comment on "Ururka UMD oo warsaxaafadeed ka soo saaray khilaafka ka taagan maamulka dawlad degaanka soomaalida Ethiopia. 26.01.2019."

Leave a comment

Your email address will not be published.