Safarkii Madaxweeynaha ee Baladweeyne, wixii kalifay,Talaabooyinkii uu qaaday iyo qodobo kale oo xiiso leh.

Safarkii Madaxweeynaha ee Baladweeyne, wixii kalifay,Talaabooyinkii uu qaaday iyo qodobo kale oo xiiso leh.

Safarka Madaxweeynaha wax yaabihii kalifay

Safarka Madaxweeynaha waxaa kalifay Laba arimood.

1-Canaan ka timi Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay,AMISOM iyo waliba Madaxweeynaha Dawlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele i,intaba waxeey si toos ah ugala hadleen Madaxweeynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud Dagaalada Gobolka Hiiraan ka socda iyo Rabshadihii lagala hor yimid Ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti, waxaana si toos ah farta loogu fiiqay in uu xal ka keeno.

2-Waxaa jiray Gudi Heer wasiir ah oo ay magacaabeen Golaha Wasiirada waxaana gudigaas si aad ah u diiday Beesha Bariga Baladweeyne waxaana gudigaas uu culeeys uga yimi dhanka Madaxweeynaha oo tixgalinaaya Beesha Bariga Baladweeyne, si uu u joojiyo Gudigaas wuxuu go,aansaday in uu shaqsi ahaan u tago si ay ugu muuqato Caalamka iyo Soomaalidaba in uu kaalintaas asaga daboolay,isagoo waliba arintaas ku cadeeyay Qudbadii uu jeedinaayay Sheegayna in aaneey marna Baladweeyne imaan doonin wasiiro iyo Xildhibaano u socda xalinta dagaalada, arintaas waxaa saaran Callaamad Su,aal, Maxeey tahay ujeedada Madaxweeynaha ma,isagaa dhameeyn doona mishkilada mise xaalladu waa si kale?.

Talaabooyinkii uu qaaday Madaxweeynaha

Wuxuu la kulmay Masuuliyiinta Gobolka, Oday Dhaqameedyo iyo Dad weeyne ka soo jeeda Bariga Baladweeyne Wuxuuna u jeediyay Qudbad ay si toos ah u heshay Saxaafada, wuxuuna si adag uga dalbay in la joojiyo Colaada ka aloosan Gobolka Hiiraan Gaar ahaan Deefoow iyo Kabxanleey isagoo sheegay in arintan xal ka keenida dagaaladan ay asaga u taal isla markaana ayan soo gali doonin Gudigii ay Magacaabeen Golaha wasiirda,wuxuu arin laga xumaado ku tilmaamay rabshadihii lagala hor yimid Ciidanka AMISOM ee hiil walaal,

kadib wuxuu bilaabay in uu si gaar ah ula kulmo odayaasha Bariga Baladweeyne waxeeyna wada qaateen shirar ay allbaabadu u xiran yihiin,lamana garanaayo wixii ay isla meel dhigeen,wuxuu damcay in uu booqdo Galbeedka Baladweeyne inkastoo ayan arintaas u suura galin oo ay dad weeynaha Galbeedka Baladweeyne oo aan ku niyad sameeyn Madaxweeynaha isla markaana ku eedeeya in uu madaxweeynuhu naas nuujiyo Bariga oo kaliya ayaa waxeey kala hor yimaadeen banaan bax sidaas aawadeed wuu ka gaabsaday qorshihiisii ku aadanaa Galbeedka Baladweeyne,

Mala kulmay Beesha Kabxanleey iyo Deefoow

Wax kulan ah lama qaadan Beelaha Kabxanleey iyo Deefoow waxaana aad loola yaaban yahay qorshaha Madaxweeynaha uu kula kulmay hal beel oo kaliya,waxaana maalintii shalay Safarkii Madaxweeynaha ka biyo diiday Beesha Surre oo ku eedeeyay Madaxweeynaha in uu hal beel uun kula kulmay Magaalada Muqdisho uuna sii raacay,maadama hadana ay dhacday in uu la kulmay oo kaliya hal garab waxaa soo bixi kara sawir layaab leh.

Maxaa dhici doona

waxaa dhici kara laba arin mid oo mid walba ay ka turjimi doonta Raadkii uu ka tagay Madaxweeynaha.

1-In ay dagaaladii sii socdaan,

2-In dagaaladu ay halkaas ku qaboobaan.

Qaladaadkii uu galay Madaxweeynaha.

1-Kulanka uu la kulmay hal beel oo kaliya oo ah arin sumcadiisa aad u dishay,

2-Arin aqoonta Maamulka aaneey marna ogolaaneeyn oo uu ku dhaqaaqay taas oo ah diidmada gudi gala arintaas oo u ogolaan lahayd madaxweeynaha hadii gudiga laga tabto eex in isaga uu noqdo ruuxii loo dacwoon lahaa,hadase uu xiray wadadaas,

Raadkii uu kaga tagay Madaxweeynuhu Gobolka Hiiraan waa ay soo bixi doonaan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Fakarka uu ka gadaayay Madaxweeynaha

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan wuxuu awoodiisa isugu geeyay in uu ka gado Madaxweeynaha in hubka dhigis ay AMISOM ku sameeyaan Beesha Kabxanleey iyo Deefoow iyo waliba Beelo kale oo dagan Gobolka Hiiraan arintaas oo ah mid aanuu caqligu qaadan karin sababtoo ah Gudoomiyuhu kuma iman kumana joogo rabitaanka Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan isla markaan wuxuu toos ula saftay beeshiisa asagoo reer Kabxanleey iyo Deefoow ku sheegay Allshabbaab, si walbo oo ay ahaataba waxaan sugnaaba sida ay arimuhu noqdaan,

Warbixintan waxaa diyaarisay warbaahinta deefoow.com

Xigasho deefow.com

cowslafil.com

Be the first to comment on "Safarkii Madaxweeynaha ee Baladweeyne, wixii kalifay,Talaabooyinkii uu qaaday iyo qodobo kale oo xiiso leh."

Leave a comment

Your email address will not be published.