Xaalada ugu danbeysa ee degaanada Deefow iyo Kabxanley

Xaalada ugu danbeysa ee degaanada Deefow iyo Kabxanley

Waxaa degen xaalada degaanadii lagu dagaalamay afar maalmood, laga soo bilaabo 01.oktober ilaa subaxii aroorta maalintii ciida oo uu dhacay dagaalkii ugu  xoogaa badnaa ee ka dhaca halka u dhaxeysa Deefow iyo Kabxanleey.

Waxaa ina soo gaaray in buuq iyo mudaharaadyo lagu taageerayo dulmiga ay ka dhaceen magaalada Baladweyne, halkaas oo ay shacabka reer Baladweyne dhagxaan ku tuurayeen dhismayaasha saldhiga u ah ciidamada Hiil Walaal AMISOM oo halkaa u jooga ilaalinta Nabadgelyada
Gobolka.

Sababaha loo dhagaxyeynayo ciidamada AMISOM ayaa ah markii ay ka hadleen in la kala saaro  Qaran iyo Qabiil, lana joojiya in ciidanka iyo hubkii qaranka ay qeyb ka noqdaan dagaalada ka socda Kabxanleey iyo Deefow.

Waxaa halkaa ka muuqda in maleeshiyada, shacabka, Nabadoonada, maamulka Gobolka dhamaantood
ay ku mideysan yihiin dagaalka gardarada ah ee lagu hayo dadka degaanada Kabxanleey iyo Deefow.

Waxaa horey loo bara kiciyey, lana gubay degaanka Kabxanleey oo dadkii halkaa ku noolaa  qaar webiga ku daata iyo qaar dhulka howd’ka iyo buuraha daadsanaa muddo 10 bilood ah. Maadaama ay Dowlada iyo Amisom ay ku guul dareysteen inay xakameeyaan Qabiilka Xawaadle ee u  geystay xusuuqa iyo barakacin dad shacab soomaaliyeed ah, ayaa haddana waxay markale ku garaaceen hubkii qaranka degaanka Deefow halkaas oo ay tii Kabxanleey mid la mid ah u geysteen shacabka degaanka Deefow.

Dadkii degaanada dhibka loo geystay ayaa dib isu soo abaabulay, iyagoo ka raja dhigay nidaamka dowliga ah, dagaalna ku qaaday maleeshiyada ku soo duushay degaanadooda, kana saaray Deefow iyo Kabxanleey.
Weli maysan joojin Maleeshiyada ka soo duushay Baladweyne dulmiga oo waa kuwan ku banaanbaxayo inay weli taageerayaan dulmiga ay ku midowday dhamaan beesha Xawaadle saqiir iyo kabiir.

Waxaa soo ifiya xalka dhibka ka jira gobolka, kaas oo ah mar haddii dowlada iyo AMISOM ay qaadeen masuuliyada ka saaran hubka iyo ciidanka qaranka, oo si cad loogu sheegay beesha Xawaadle inay kala saaraan qaran iyo qabiil. Waxaa xiga in aysan horeyna u dhicin, haddana dhici doonin in qabiil uu qabiil kale tir tiro, cidii isku daydaana ay ku fashilmi doonto, gaar ahaan beesha Xawaadle haddii aysan ka waantoobin dulmiga ay ku hayaan shacabka reer Kabxanley iyo Deefow, oo aysan dhowrin deris wanaaga, haddaba Kabxanley iyo Deefow waxaa diyaar ku ah kumanaan dhalinyaro Surre ah oo raba inay u huraan naftooda si ay u difaacdaan degaanadooda.

Beesha duulaanka ah oo gardarada wada kuma guuleysan doonto dagaalkan, waxaana iman in dadka gobolka inta horey loo dulmiyey iyo inta hadda dulmanba inay iska qaban doonaan dulmiga.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Xaalada ugu danbeysa ee degaanada Deefow iyo Kabxanley"

Leave a comment

Your email address will not be published.