Video: Iskuulka Degaanka Kabxanleey oo Dayactir lagu sameeyey

Waxaan halkan idiinku soo gudbin dayactir lagu sameeyey iskuulka degaanka Kabxanley ka dib
markii ay isxilqaameen qaar ka mid ah jaaliyada degaanka ee ku dhaqan magaalada London iyo
Mudane wasiir dowlaha Mohamed Hassan Adan.

Ka dib wada shaqeyn maamulka degaanka, jaaliyada, iyo wasiir dowlaha ayaa waxaa u suuro gashay
in dayactir lagu sameeyo iskuulka oo uu burbur dhan walba ah soo gaaray ka dib dagaaladii ku soo noqnoqday degaanada Kabxanley iyo Deefoow.

Maamulka iyo shacabka degaanka Kabxanleey ayaa waxay mahad badan u dirayaan dhamaan dadkii ka qeyb qaatay dayactirka iskuulkan oo muhiimad balaaran u leh shacabka iyo degaanka intaba.

Waxaan kaloo ku dhiiri gelin in dadka ka soo jeeda degaanadan ee ku dhaqan dalka dibadiisa in iyagana
ay qeyb ka noqdaan howlaha dib u dhiska ee ka socda degaanka.

Halkan ka daawo iskuulka degaanka Kabxanleey:

cowslafil.com

Be the first to comment on "Video: Iskuulka Degaanka Kabxanleey oo Dayactir lagu sameeyey"

Leave a comment

Your email address will not be published.