Kashifaad: Dilalka qorsheysan ee ka dhaca caasimda dalka oo la ogaaday cida ka dambeysa

Kashifaad: Dilalka qorsheysan ee ka dhaca caasimda dalka oo la ogaaday cida ka dambeysa

 

Dilalka qorsheysan ee beryihii dambe kusoo badanaaye caasimada dalka ayaa waxaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyay shirkado gaar ah oo amniga khalkhal geliya, shirkadahaas sida lasheegaayo waxaa sameestay hogaamiye kooxeedyadiigabalkooda dhacay oo raba inay awoodoodii dib ugu soo ceshadaan si dadban xilna ugu helaan.

Hogaamiye kooxeedyadaas waxaa ugu cadcad Yusuf Indhacade oo hub iyo ciidan ku dhax heysta caasimada gudaheeda isagoo aan wax xil ah ka heyn dowlada. Dowlada soomaaliya oo aan arintas waxba ka qaban ayaa sawab u noqotay inay ku harsan waayaan aqalka madaxtooyada oo cabsi xoogan uu kajiro gudaha madaxtooyada.

C/rixmaan Maxamed Tuuryare oo ah Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamda qalabka sida Mar uu  la hadlayey Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay Joogaan Shirkaddo Dadka Dila, oo Dilal badan ka geeystay Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu Sidoo kale sheegay in Dilalka ka dhaca Magaalada ay Al-shabaab iska sheegtaan, islamarkaana ay Fuliyan Shirkadahaasi, wuxuuna intaa ku daray in Laamaha Ammaanka Soomaaliya ay Arrintaas ku soo wargaliyeen. Isagoo sheegay in lagu guda jiro sidii wax looga qaban lahaa Arrintaasi, maadaama ay Ammaanka Dalka halis ku tahay.

Waxaa uu sidoo kale dowlada ugu baaqay in la Taageero  Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, oo la siiyo Ciidamo Suga Ammaanka, si looga hortago  Falalka Amaandaro.

Sikastaba ha ahaatee dilalka qorsheysan ee ka dhaca dalka ayaa ahaa mid lagu beegsanaayey xildhibaano iyo waxgarad bulshada magic ku dhaxlahaa, dowlada somaaliya ayaan wax ka qaban marka laga reebo inay cambaareyso ay na ku tilmaanto fal arxan darro ah oo fuleynimo ah. Laamaha amaanka ayaa looga shakisan yahay inay ka warhaayaan shirkada sigaarka loo leeyahay oo amni darada ka wada caasiamda.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Kashifaad: Dilalka qorsheysan ee ka dhaca caasimda dalka oo la ogaaday cida ka dambeysa"

Leave a comment

Your email address will not be published.