Nabadoon Yuusuf Cali Boorre oo sheegay in DFS ay dhibaato ku heyso Beesha Biimaal

Nabadoon Yuusuf Cali Boorre oo sheegay in DFS ay dhibaato ku heyso Beesha Biimaal

Nabadoon Yuusuf Cali  Boorre oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay tacadiyo baahsan u geysanayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobalkaasi.

Wuxa uu sheegay ciidamada loogu yeero ciidamada qaranka ay si qaab qabiil ah ay u beegsanayaan dadka u dhashay gobalka, gaar ahaan Beesha Biimaal.

Nabadoonka ayaa Madaxda dowlada federaalka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan arintaan inta aysan xaalada faraha ka bixin, Beesha biimaal ayuu sheegay in ay la dagaalameyso Mooryaan kaga soo duulay gobolada dhexe oo dhibaato ku hayay shacabka ku dhaqan Gobolka Shabeelada hoose.

Hadalka Nanadoonka ayaa kusoo aadaya xilli dagaalada shabeelada hoose ay kusoo biireen dhinacyo badan oo dantooda ay tahay in ay boobaan deeganada Beelaha Biimaal iyo Digil ee Gobolka Shabeelada hoose.

cowslafil.com

1 Comment on "Nabadoon Yuusuf Cali Boorre oo sheegay in DFS ay dhibaato ku heyso Beesha Biimaal"

  1. War saxaafadeed uu soo saaray Garaad Mahad…Garaadka beelweynta Direed u jooga magaalada
    xamse | July 26, 2014 | 0 Comments

    unnamed

    War saxaafadeed uu soo saaray Garaad Mahad Garaadka beelweynta Direed u jooga magaalada

    Hargeisa , Somaliland 29/07/2014

    Ujeedo : Warsaxaafadeed

    Waxa war saxaafadeed ku qabtay magaalada Hargeysa ee dalkan Somaliland Garaad Mahad—————- ———– Garaadka Beelweynta Direed u jooga magaalada Hargeisa , halkaas oo ay isugu yimaadeen madaxdhaqamme, odayaal, aqoon yahan, ganacsato , dhallinyaro iyo xubno badan oo ka mid jaaliyadd Beelweynta Direed ee ku dhaqan magaalad Hargeysa .

    Arrinta sida balladhan uu Garaad Mahad uga hadlay ayaa waxa ay ahayd dulmiga lagu hayo dadweynaha Beesha Direed iyo degaanada Sh. Dhexe, Sh. Hoose iyo Hiiraan ay ku dhaqan yihiin.

    Ugu horeyn , Garaad Mahad uu ka codsanyaaa in qof kasta oo Somaliyeed meel kasta oo joogo ama ku nool yahay, in uu isku hawlo in wax ka ogaado bulsho weynta beelaha Direed isla markaana ay wax ka ogaadaan dhammaan arrimaha hoos ku qoran si uu u fuhmo bublshada Beelaha Direed, waxa ay yihiin:

    1. Taariikhda , dhaqanka, dhaqaalaha iyo dhulka beelaha Direed.
    2. Dulmiga lagu hayo degaanka iyo dadka Direed ee ku dhaqan Sh. Hoose
    3. Dulmiga lagu hayo degaanka iyo dadka Direed ee ku dhaqan Kabxanley, Madiina, iyo Deefow (Hiiraan)
    4. midnimada, iyo sidii wada jir looga hortagi lahaa dulmiga ka jira degaanadaas

    Ka dib magaca Eebie, Garaad Mahad oo ku bilowday Salaanta islaamka iyo hambalyada ciidal fudiriga una rajeeyey dhammaanka caalamka muslimiinta gaar ahaan bulshad Somaliyeed ciidwanaagsn, Garaad Mahad ayaa waxa uu hadlay shanta Soomaliyeed, doorka iyo miisaanka beelaha Direed. garaadka oo ka halday muhiimada iyo masuuliyada ka saaran dhammaan beelaha Direed inay door firfircoon ay ka qaataan arrimaha horumarka, midnimada, iyo wax wada qabsiga beelaha Direed ee ku dhaqaan dhulka shanta Soomaaliyeed, iyo weliba in ay si wanaagsan iyo cadaalad ay ula dhaqmaan beelaha kale ee la degen halkaa.

    Garaadku waxa uu ayaa aad ugu hadlay dulmiga lagu hayo degaanada Sh. Hoose iyo Hiiraan oo haddii aanan la joojin ay beesha si wada jir ah u difaaci doonto degaanada iyo dadka ku abtirsada beelweynta Direed.

    Waxaa kale oon uu Garaadku ka hadlay oo uu warbixin dheer ugaga waramay sida uu yahay dhibka iyo xusuuqa ka dhacay degaanada Number 50 iyo kabxanleey.

    Garaada oo ku eedeeyey dhamaan masuuliyiinta iyo madaxda sare , laga soo bilaabo Madaxweyne Xassan SH. Mohamuud, Ciidanka militeriga (maleeyshiyaadka wasaqeyn waxa inaga dhaxeeya oo ah qaranimo iyo ciidan qaran) ee ku gaaracay hubkii qaranka Number 50, maamulka Gobolka Hiiraan, dadka ka yimid dalka dibadiisa, iyo hay’adaha samafalka oo dhammaan ku lug leh barakicinta iyo xusuuqa shacabka reer kabxanley.

    Garaad Mahad ayaa ku tilmaamay arrin ayaan darro ah in wax walba oo sumad u ah hogaan iyo masuuliyad sida maamul gobol, ciidan qaran, hay’ad samafal ay intaba noqdeen kuwa loo isticmaalay wax lid ku ah howlaha iyo masuuliyada maamuladan. Maamulka Gobolka hiiraan oo noqday mid ku adeega qabyaalad halkaa oo ay awoodii qaran qabiil quro intay gacanta u geliyeen, ka dibna ku xusuuqeen shacabka degaanada Kabxanleey. Waxaa kaloo arrin aad looga naxo ah in howlaha samafal iyo bani’aadanimo ay masuuliyadeeda ay qaadeen hay’adaha samafal ee ku sugan degaanada ay noqdeen kuwa qabiil gaar ah loogu adeego, dadkii la xasuuqay, lana barakiciyey ay weli daadsan yihiin duleedka iyo dhulka bannaan ah ee ku heeraarsan degaanada dhibaatadu ka dhacday.

    Garaad Mahad oo arrintan iyo warbixinadan u soo gudbiyey masuuliyiinta jaaliyadaha beelaha Direed ayaa wada abaabul dhan walba ah oo lagala tashan masuuliyiinta Beelweynta Direed sidii wax looga qaban lahaa, isla mar ahaantaan loogu hortegi lahaa arrimaha qatarta ku ah ama u ah shacab soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku abtirsado Beelweynta Direed.

    Garaad Mahad oo si qoto dheer uga hadlay halgankii xornimada Jamhuuriyada Somaliland iyo sidii ay uga dulqaadeen dalkooda iyo shacabkooda dulmiga iyo xad gudubka lagu hayey, isla mar ahaantaana ay garab ugu siiyeen shacabka koonfurta soomaaliya inay iyagana iska dulqaadaan dulmigii lagu hayey oo uga yimid dhanka dowladii hogaanka u haysay dalka soomaaliya.

    Garaad Mahad ayaa tilmaamay in dadkii iyaga shalay garab beelaha direed ku siinay inay iska dulqaadan dulmiga, aanay igu maanta dulmiyaan, xusuuqaan dadka walaalaha ee ku abtirsada Beelweynta Direed ee ku dhaqan Sh. Hoose iyo Hiiraan. Waxa kale oo si cad oo aan leex leexad laheyn u sheegay in dulmiga lagu hayo dadka ku abtirsado Beelaha Direed iyo degaanadooda ay garab dhan walba ah ka siindoonaan walaalahood dulman sidii loo badbaadin lahaa, loogana dulqaado duleysiga.

    Waxaa kale oo uu ka hadaly Garaad Mahad in ay muhiim tahay sidii loo abuuri lahaa midnimo iyo isbarasho, isla mar ahaantaana loo adeegsado qalinka sidii looga hortegi lahaa cadaalad darada heysata dhamaan dadkii soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan dadka ku abtirsada Beelweynta Direed. Iyo in leyska kaashado horumarinta degaanada, loona midoobo ka hortaga dulmigalagu hayo dadka ku abtirsado beelaha Direed.

    Waxaa kale oo uu Garaadku haldal uga soo jeediyey dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee beelaha Direed oo ku dhaqan dalkan Somaliland, in ay xoojiyaan midnimada, iskaashiga iyo sidii looga kaalmayn lahaa dhibaatooyinka haysta dadka iyo degaanada Beelaha Direed.

    Waxaanu ahaa Baaqa War Saxaafadeedka Garaad Mahad sidatan

    1. Iyadoo laga faa’ideysanayo isu imaatinka iyo is-barashada bilawga ah ee iminka hana qaadaysa, Garaadku wuxuu taageerayaa si weynna u soo dhoweynayaa adkaynta midnimada Beelweynta Dir meel kasta oo ay joogaan.

    2. Si looga dhabeeyo isku xirnaanta iyo is-fahamka beesha dhexdeeda, waxaa Garaadku ku baaqayaa in la sameeyo guddiyo si gaar gaar ah ugu hawl gala diiwaangelinta iyo tira-koob xubnaha Beesha ee ku sugan dalalka qurbaha.

    3. Garaad Mahad waxaa u muuqda in ay lagama maar maan tahay in la kala war qaato si joogto ah, iyadoo taas loo marayo in la qabto kulamo gaar ah, iyo in la adeegsado agabka Mediyaha, sida Websiteyada, Raadiyowga iyo Tv-yada.

    4. Si loo weyneeyo isbarashada Walaalaha Direed, Garaadku wuxuu ku baaqayaa in la abaabulo kulan ballaaran oo ay isugu yimaadaan dhammaan beelweynta Dir ku nool hadba Dalalka dereska , yurub, waqooyiga ameerika , dalalka carbeed, bariga Afrika, geeska Afrika .

    5. Iyadoo ay jirtey dhibaatooyin ka dhacay degaamo ay Beesha Dir deggan tahay, isla markaana waxyeelo ay ka soo gaadhey dad, degaan iyo duunyaba, ayaa Garaadku wuxuu ku baaqayaa in guud ahaan arrimahaas lagu xalliyo si miyir ah oo wadahadal ah.

    6. Iyadoo dowladda Somaliyeed ay ku dhisan tahay nidaamka Beelaha Somalida, kaas oo Beesha Dir ay ka mid tahay tiirarka ay xukuumadda Somaliyeed ku dhisan, Garaadku wuxuuu dowladda Somaliya ugu baaqaynaa in ay si gaar ah u eegto waxyaabaha ka dhacaya goobaha ay beeshu degto, isla markaana laga fogaado wixii tallaabo oo arrinta sii xumayn kara.

    7. Waxa uu Garaad Mahad soo dhaweyneynaa dadaalada nabadeed ee la doonaayo in colaada lagu damiyo, waxaanu uga mahad celinayaa cid kasta oo ka qayb qaadata dadaalkaa.

    8. Waa in waxyaabaha astaanta u ah colaada sida ciidan beeleedka ku soo duulay degaanada beelaha Direed dib looga saaraa, Dadkii degaanka laga barakiciyey dib u dejin iyo dib u dhis degaanada deg deg loogu sameeyaa.

    9. Waxa uu Garaad Mahad ku baaqeynaa in gar gaar deg deg ah lala gaadho dhammaan dadkii barakacay iyo dadkii ku waxyeeloobay dagaaladii ka dhacay Gobolka Sh. Hoose, Hiiraan, iyo Sh. Dhexe

    10. Garaad Mahad isaga oo ku hadlay magaca Beelweynta Direed oo isku duuban ayaa waxa cambaareynayaa dulmiga iyo xusuuqa ka dhacay degaanada Number 50 iyo Kabxanleey

    11. Garaadku wuxuu soo dhoweynayaa kulanka dowladda Federaalka Somaliya iyo Somaliland xidhiidh fiican oo dublamasi iyo wax wada qabsi dhex mara labada shacbi ee walaalaha ah . Waxa u rajeyneynaa in la helo xidhiidho waxtar ah oo ay labada dhinac ku raali yihiin.

    12. Garaadku wuxuu soo dhoweynayaa talada dhammaan waxgaradka Somaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin ee ku aaddan in si nabad ah loo wada noolaado, ila markaan waxa uu si weyn uga soo horjeedaa in lagu xadgudbo xuquuqda gaarka ah ee beelweynta Dir.

    13. Garaad Mahad waxa uu si weyn ugu dhaqaaqayaa, una hawlgelayaa sidii ay beelaha Direed iyo Shacbiga Somaliland isugu garabsan lahaayeen sidii gargaar loogu fidin lahaa walaalaha ay dhibaatadu ku haysato dalka Somaliyeed waxyeelooyinka kala duwani xad gudubyada kala duwan iyo dagaalada uga soo gaadheen.,

    14. Garaad Mahad waxa uu jideynayaa in si aan hagrasho lahayn bulshada beelaha direed isaga kaashadaan arrimaha dhaqaanka, dhaqaalaha, farsamada, siyaasadda, nabad gelyada, ilsa markaana xoojiyaan iska war haynta wada tashiga iyo is taakulaynta .

    Warsaxaafadeedkan waxa Idiin soo Gudbinaya

    Garaad Mahad Maxamed Cabdi

Leave a Reply to = Cancel reply

Your email address will not be published.