Diyaarada carbiska ku dhacday oo la sheegay inay Hub u siday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan …

Waxaa isa soo taray warar sheegaya in Diyaarada ku soo dhacday carbiska ee laga leeyahay dalka Masar ay u siday saanad hub ah gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifatax Afrax.

diyaarad

Ka dib markii ilaa in muddo ah wax dagaal ah uusan ka dhicin Gobolka Hiiraan, ka dib guul daro badan oo soo wajahday ciidan beeleedka qaran ku sheega ee ka soo duula bariga Baladweyne ayaa shacabka gobolka ku dhaqan waxaa ay ka nasteen dagaalada laga soo abaabulo Bariga Baladweyne,

Waxaa ina soo gaaraya in dagaal ooge Cabdifatax Afrax oo uu markale riyadii dhulboobka iyadoo nooc contract/document lala soo galay dowlado shisheeyo la yimid, durbaba ay bilaabatay fashilka qorshaha guracan sida diyaaradan ku soo dhacday carbiska oo la sheegey inay u siday saanad Hub gudoomiyaha Gobolka Hiiraan. Cabdifatah Afrax ayaa la sheegey in maalmahan danbe ay badneyd booqashadiisa uu ka tago dalka Masar/Egypt.

Warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in dowlada Soomaaliya ay u balan qaaday dowlada Masar dhul beereed cabirkiisu gaaraya 9 milyuun oo hekter, halkaas oo ay dowlada Masar ka dhaqan gelin doonto qorsha horumarinta dhuul beereedka. Wasiirka Beeraha ee dalka Masar Salah Halal, ayaa sheegay in dowladiisu ay ka caawin doonto soomaaliya horumarinta dhulbeereedka, xoolaha, iyo kaluumeysiga. Salah Halal ayaa arrintan ka hadlay ka dib markii uu la kulmay wafdi uu hogaamin Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Saciid Xuseen Ciid.

Dowlada Somaaliya ayaa sheegtay dhulbeereed balaaran oo horey loo isticmaalin/tabcan ay dowlada Masar ka diyaarin doonto mashruuc “Model” lagu horumarin dhulbeeraadka, balse dowlada soomaaliya meysan sheegan halka dhulbeereedyada dowlada masar ka shaqeyn ay ku yaaliin. Waxaa ay sheegeen in Dhul beereed aad u balaaran oo aanan la tabcan in ay jiraan, halka shirkado dowlado shisheeye oo badan ay indhaha ku hayaan fursadahan.

Hadaba waxaa muuqata in maamulka gobolka Hiiraan oo garab ka helaya wiilka ay abtiga u yihiin ee ah Madaxweynaha dowlada federaalka, ay markale qorshahoodii dhulboobka oo ay markaan qandaraasyo la soo galeen dowlado iyo shirkado shisheeye, ayna muuqato markale in ay ku dhaqaaqaan qorshahoodii isir sifeynta dadka beeraleyda ee ku dhaqan Hiiraan, Shebelle Dhexe, iyo Shabeelada Hoose.

Shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa sameystay maamul ay ku mideysan yihiin, maamulkan oo uu hadafkiisu yahay in la samata bixiyo shacabka gobolka, lana abuuro jawi nabadeed oo looga tashan mustaqbalka gobolka. Mudadii uu maamulka Golaha Samatabixinta iyo aayo ka talinta Hiiraan uu jiray waxaa uu galay gobolka nadab, iyo weliba degaanada ay halakeysa colaada sida Kabxanleey, Madiina, Deefoow oo dib uga soo kabsan burburka arxan darada ahaa oo loo geystay shacabka iyo degaanadan intaba. Golaha Samatabixinta oo leh cudud ciidaan oo sugi karta nabada shacabka reer Hiiraan, isla mar ahaantaana Gole iyo gudiyo kala duwan oo u adeega danta iyo maslaxada shacabka reer Hiiraan.

shirka_deefow_golaha
Halkan kala Soco howlaha Golaha Samatabixinta

cowslafil.com

Be the first to comment on "Diyaarada carbiska ku dhacday oo la sheegay inay Hub u siday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan …"

Leave a comment

Your email address will not be published.