Shirkii Mu’aamaradaynta Iyo Sadbursıga Lagu Maleegayey Oo Lagu Kalatagay Iyadoon Heshiis Lagu Ahayn Sida Baarlamaanka 2016 Loo Qaybsanaayo …

Bismillaahi Raxmaani Raxiimi. Ilaah baa weyn waaxida.

Waxaa baryahan kasocday shir looga wada hadlayey sidii loosii lugoyn lahaa umada Soomaaliyeed ee dulman ee NGO yadu ay iibiyeen xaqoodiina lagu tumanayo.

Shirka ujeedadiisa ugu muhimsam waa in UN loogudbiyo heshiis macmal ah oo kusaxiixanyihiin maamul qabiileedyada sadbursiga kudhisan ee halmagaalooyin kukooban iyo DF Soomaaliya oo dilaaliin NGO yo ah ay horboodayaan lacago ladalbado mashruuc UN ka laga qaato qandaraas ninkii shaqadiisu ahayd 20kii sano ee lasoo dhaafay dawladnimada maanta Soomaali ubaahantahay ee cadaalad kudhisan ma kuhogaaminkaraa? 3dex sano ninkii wax kuqaban waayey 1sano wax kuumasoo wado waa noo cadahay ujeedada dalka loo baabiinayana waa dan shakhsi oo lacago lagu raadinayo umada dulman ee Soomaaliyeed ee dawladnimada uharaadan ee aan haysanin Siyaasiyiin xaq kuhogaamisa oo daacad u ah shacabka dhiban ee meehanaabaya dibad iyo gudaba.

Waxaa muhiima in lafahmo siyaasada Soomaaliya kasocota yaa loo tashanayaa? yaa dulman? yaase sadbursi raadinaya? Muxuu rabaa ergeyga Qaramada midoobay ee Nick kay? yuu wax larabaa? Soomaaliya ma 5km oo muqdisho ah iyo 4magaalo oo kuyaala bari iyo nugaal baa masiirkeeda katalinaya,dadka kunool muqdisho ilaa kismaayo ilaa gedo ilaa iyo shabeelada dhexe ee Jareer weyne,Dir iyo Digil&mirifle yaa matalaya oo ufadhiya shirka wada tashiga,dadkaas 96%ka ka ah Soomaaliya xaqmaleh oo masiirka umada codkumalaha laakiin kuwa 4% ka ah ee tuugada iyo musuqmaasuqa kusoo ceeshi jiray ayaa Soomaali matalaya ilaa xaqa loo noqdo oo dulmiga lajoojiyo lama heshiinayo dalka soomaaliyana madagayo.

mise waa in umada Soomaaliyeed ee kunool Soomaaliya Xilibaanada ay soo doorteen ee Sharciyan matala ay shirka wadatashiga fadhiyaan madasha 2016ka loogu gogolxaadhayo ee xilibaanada cusub lagusoo xulayo.
Waxaa yaableh in maanta laysku haysto shirka yaa sharciyan usoo fadhiisankara iyo yaa umada Soomaaliyeed matali kara waa muhiim in lafahmo su’aalahaas xagay kusocdaan iyo jawaabtooda saxda ah.

XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA WUXUU UGU BAAQAYAA DHAMAAN XILIBAANADA BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA INAY HURDADA KAKACAAN OO ADEEGSADAAN AWOODOODA SHARCIYEED EE SHARCIDAJINTA SOOMAALIYA WAA INAY DIFAACAAN XAQA UMADA DULMAN EE SHACABKA SOOMAALIYEED EE TUUGADU KUDUL TUMANAYSO
WAANA INAY OGAADAAN MAANTA MASIIRKA UMADA INAANAY MAAMUL QABIILEEDYO HAL HAL MAGAALO KUDHEX GO’DOONSAN AANAY SHEEGAN kARIN INAY MATALAAN SHACABKA SOOMAALIYEED EE KUDULMAN DEEGAANADOODII EE XAQDARADA LAGU HAYO IYO HAGARDAAMADA SADBURSIGA SIYASADEED EE AY WADAAN KUWA DHIIGYO CABKA AH EE AAN UMADA UNAXAYNIN EE BEESHA CAALAMKA QALDAYA BEENTANA USHEEGAYA EE MAABABKA BEENTA AH SOO SAMAYSTAY CIDNANA AAN MATALIN IN UMADA LAGA QABTO OO CADAALAD AY HELAAN SHACABKA SOOMALIYEED EE DULMAN MAANTA WAXAY SOOMAALI KUJIRTAA JAHAWAREERKAY GALIYEEN DOOFAARADA MUQDISHO BEESHA
CAALAMKU ISUGU GAYSAY EE BILAA DAMIIRKA AH EEN OGAYN XAALADA SOOMAALI KUSUGANTAHAY EE ISKUDUL HAYSTA MEYDKA DHINTAY EE
XABAASHA SUGAYA.

GUDOOMIYAGA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA
PHILOSOPHER: HAABIIL CABDI HAYBE.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Shirkii Mu’aamaradaynta Iyo Sadbursıga Lagu Maleegayey Oo Lagu Kalatagay Iyadoon Heshiis Lagu Ahayn Sida Baarlamaanka 2016 Loo Qaybsanaayo …"

Leave a comment

Your email address will not be published.