Dhagayso:shacabka gobolka Hiiraan oo dhegaha u taagaya maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe

Dhawanahan waxaa qeybo kamid ah gobolka Hiiraan kusugan mudanayal katirsan Baarlamanka Somaaliya kuwaas oo ujeedka ay utageen ay tahay sidii loo caawinlahaa bulshada kunool deegaanadii ugu dambeeyay ee katirsan gobolka Hiiraan ee lagala wareegay Al-Shabaab.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Somaaliya ee qeybta ka ah wafdigaas ayaa waxa uu Radio Danan usheegay in inta badan shaqadii ay halkaasi utagen ay qabteen islamarkana deegaano dhowr ah oo katirsan gobolka Hiiraan ay caawimad kala duwan gaarsiiyeen dadka kunool oo qabay dhibaatooyin kala duwan oo aan mudo dhowr sano ah arkin waxaa taageero ah.

Dhanka kale isagoo hadalkiisa siiwata Xildhibaan Daahir amiin Jeezow ayaa waxa uu intaasi kudaray in shacabka iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ay u ooman yihiin maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe islamarkaana ay udhegtaagayan waxa uu intaasikudaray in dowlada Somaaliya lag doonaayo dhamestirka maamulkaas.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Dhagayso:shacabka gobolka Hiiraan oo dhegaha u taagaya maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe"

Leave a comment

Your email address will not be published.