Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Oo Gaalkacyo Ku qaabilay Haweenka Waqooyiga Magaaladaas (Sawiro)

Gudoomiye ku xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mahad Cabdala ayaa guriga uu ka degenyahay Magaalada Kaalkacyo ku qaabilay Haweenka Magaaladaas ku dhaqan.

Gudoomiyaha ayaa kulan xog isweedaarsi ah la yeeshay Haweenka waqooyiga Gaalkacyo, waxaana ay uga mahadceliyeen fursada uu gudoomiye Mahad siiyey waxaana ay sheegeen in ay ku farxsanyihiin kulanka qiimaha badan ee ay la qaateen.

Booqashada uu Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku joogo magaalada Gaalkacyo oo hada qaadatay mudo todobaad ah ayaa intii uu joogay waxa uu kulammo la qaatay Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka Puntland,odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

640x424x140.jpg.pagespeed.ic_.EV4nQnu8iC

640x424x235.jpg.pagespeed.ic_.E-tixRldsU

640x424x325.jpg.pagespeed.ic_.MMugpv0PJo

640x424x420.jpg.pagespeed.ic_.2I9-sfCJzH

640x424x516.jpg.pagespeed.ic_.Ku_nkT5FiW

640x424x614.jpg.pagespeed.ic_.xyNKAIrUgJ

cowslafil.com

Be the first to comment on "Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Oo Gaalkacyo Ku qaabilay Haweenka Waqooyiga Magaaladaas (Sawiro)"

Leave a comment

Your email address will not be published.