Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland iyo ku xigeenkiisa oo uu dagaal dhex maray(Maqal iyo Muuqaal).

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa 1-aad Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta isku fara saaray mid kamid ah kalfadhiyada Baarlamaanka Somalialnd.

Fadhiga maanta ee wakiillada Somaliland oo uu guddoominayay Guddoomiyaha golahaasi Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo ay hareero fadhiyaan labadiisa ku xigeen ayaa lagu soo bandhigay mooshin mudaneyaasha muxaafadka ahi ku doonayaan in la meel mariyo go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku doonayay wareejinta Haamaha shidaalka Berbera.

Guddoomiye Cirro ayaa golaha u akhriyay magacyada 38 mudane oo saxeexay mooshinka, kuwaasi oo 5 ka mid ahi maqnaayeen, waxaanu golaha u sheegay in xeer hoosaadka goluhu dhigayo in mooshinnada noocan ah lagaga doodo kalfadhiga dambee golaha wakiilladda, sidaasna fadhiga maantu ku xidhan yahay.

Haseyeeshee, guddoomiye xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, ayaa makarafoonka ku qabsaday Guddoomiye Cirro, isagoo u muuqda inuu ka cadhaysan yahay mooshinka dib loo dhigay. Labada masuul oo muran ku dhex maray Makarafoonka oo midba dhinac haystay ayaa buuq dhaliyay.

Markii Buuqaasi la dejiyay ayaa guddoomiye Cirro golaha la hadlay waxaanu ku yidhi “Guddoomiye xigeenku waa inuu ixtiraamo golaha wakiillada iyo xeer hoosaadka golaha. Haddii golaha wakiilladu yeesho laba guddoomiye, dalkuna wuxuu yeelan doonaa laba Madaxweyne.”

Mar labaad ayuu Baashe Maxamed Faarax Makarafoonka Guddoomiye Cirro ku qabsaday, taas oo sababta is jiidjiidad labada guddoomiye isla sara kaceen, kadibna Guddoomiye Cirro oo aad uga xanaaqay Maamulka golaha ee lagu haysto ayaa feer u jiiday Baashe Maxamed Faarax, kadibna Qoorsagaaro ku qabtay oo Kursiga ku dul legday, iyadoo taasi sababtay dagaal rasmi ah oo labada guddoomiye dhexmaray golahana buuq ka abuuray.

Intaasi kadib markii la kala furfuray labada guddoomiye ayaa guddoomiye Cirro ka baxay golaha inta uu makarafoonka ka sheegay inuu goluhu xidhan yahay.

Baashe ayaa isna golaha laga saaray, sidaasna waxaa lagaga dareeray hoolka golaha wakiillada, iyadoo sidoo kale dagaalka madaxda goluhu sababay mudaneyaal kala taageersan oo is faro saaray.

Inkasta oo hore loo arki jiray mudaneyaal is faro saara, waa markii u horaysay ee Cirro iyo Baashe isku faro saaraan fagaaraha Shir gudoonka.

Iyadoo ay jirtay muran ku saabsan xilliga la qabanayo doorashada madaxtinimada maamulka Somaliland ayaa waxaa haatan soo ifbaxay muran ku saabsan wareejinta haamanka shidaalka lagu keydiyo ee magaalada Berbera ee uu Madaxweyne Siilaanyo wareejiyay.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland iyo ku xigeenkiisa oo uu dagaal dhex maray(Maqal iyo Muuqaal)."

Leave a comment

Your email address will not be published.