Daawo Gacan Ka hadal Dhex Maray Madaxda Guurtida Soomaaliland iyo Buuq Maanta Ka dhashay Shirka Golaha

Kulan Maanta ay yeesheen Golaha Guurtida Soomaaliland ayaa waxa uu kusoo gaba gaboobay buuq iyo gacan ka hadal dhex marya Madaxda Golaha.

Fadhigii Saake ayaa waxa shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida C/raxmaan Cirro ayaa Fadhiga la keenay mooshin La doonayay in Lagu laalo Go’aankii Hore ee xildhibaanadu ka Gaareen in Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Lagu wareejiyo Shirkado Gaar Ah.

Guddoomiyaha ayaa Mid-mid fadhiga uga Hor Akhriyay Xildhibaanada Mooshinka ku Saxeexan oo Tiradoodu Dhamayd 38 Xildhibaan waxaana uu Sheegay in Golahu inaanu Cod Galinayn Madaama oo go’aanka Golahu Hore u gaadheen.

Buuq iyo Sawaxn Dabadeed waxa uu Guddoomiyahu Mudanayaasha ku War galiyay inuu Fadhigu Xidran yahay taas oo keentay in ay Makarafoonka isku qabsadaan Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan oo Golahana isku Fara saaray.

“golahu waxa loo baahan yahay in wixii sharci ah in ay u hogaan samaan Kuna dhaqmaan xeer hoosaadka Golaha,Golahuna hadii uu yeesho laba Guddoomiye Dalkuna waxa uu yeelan Doonaa Laba Madaxwayne, ayuu yiri Guddoomiye Ciro.

“Guddoomiye hadaad kacayso iyo hadaad fadhiyayso adagi ayay ku jirtaa Golahuna waa uu Fadhiyayaa,Waana La codaynayaa,Xildhibaanada kulmiye aniga ayaa guddoomiye u ah,Mana kici karaan.ayuu yiri Baashe.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Daawo Gacan Ka hadal Dhex Maray Madaxda Guurtida Soomaaliland iyo Buuq Maanta Ka dhashay Shirka Golaha"

Leave a comment

Your email address will not be published.