Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Iyo Taliye ku Xigenka Ciidanka Xooga Dalka Oo Xilkii Laga Qaadey

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Iyo Taliye ku Xigenka Ciidanka Xooga Dalka Oo Xilkii Laga Qaadey

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa xilalka ka qaaday taliyihii ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo abaanduulihiisii, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi, isagoo saraakiil cusub u magacaabaya.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu xilalkan u kala magacaabayo, Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo noqonaya taliyaha ciidamada xoogga Somalia iyo Jen. C/llaahi Cismaan Cagey oo loo magacaabay abaanduulaha ciidamada xoogga.
 
Goor-dhow ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uu ku dhawaaqo magacaabidda labada taliye ee cusub ee loo magacaabay xilalka taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo ku xigeenkiisa. Lama oga sababta keentay in madaxweynuhu uu xilka ka qaado labadan mas’uul oo sannadkii hore uu u magacaabay, iyadoo tani ay imaanayso xilli madaxda dowladdu ay dhawaan sheegeen inay isbedel ku sameyn doonaan hoggaanka ciidamada iyo hay’adaha amniga iyo garsoorka. 
  
Lama oga sababta keentay in madaxweynuhu uu xilka ka qaado labadan mas’uul oo sannadkii hore uu u magacaabay, iyadoo tani ay imaanayso xilli madaxda dowladdu ay dhawaan sheegeen inay isbedel ku sameyn doonaan hoggaanka ciidamada iyo hay’adaha amniga iyo garsoorka. 
cowslafil.com

Be the first to comment on "Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Iyo Taliye ku Xigenka Ciidanka Xooga Dalka Oo Xilkii Laga Qaadey"

Leave a comment

Your email address will not be published.