Daamu-Jadiid waxeey Muujisay Colaada ay u qabto Qoowmiyada Dirka Mana aha mid lama filaan ah.

Ururka Daamu-Jadiid oo ah Urur Colaad balaaran u haya Qoowmiyada Dirka Caadana ka dhigtay in uu ka shaqeeyo sidii ula dagaalami lahaa Qoowmiyadan Balaaran ayaa mar walba isku daya sidii uu u curyaamin lahaa,

Hadaan Taariikhda iyo dhacdooyinkii dhacay aan dib ugu laabanao Ururka Dhiiga-Cusub la baxay ee daadiyay Dhiig badan tan iyo maalintii ay hogaanka Dalka qabteen waxeey u istaageen Dagaal ka dhan ah Qoowmiyada Dirka,

Ma ,aha mid la masixi karo Dagaaladii ay ku qaadeen Beesha Biimaal ayagoo damac uu uga jiray in deegaanadooda laga bara kiciyo isla markaana lagu abuuro Dad kayimi Gobolda Dhexe oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn Gobolka Shabbeelaha Hoose,

Maalintii mugdiga ahayd ee Xassan Sheekh Maxamuud loo doortay hogaanka Dalka wuxuu isla markiiba ka qaaday Jagada Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Gen. Dhagabadan oo ahaa halyeey ay aad u jeclaayeen Ciidamada Dawlada Federaalka guulo badana kasoo hooyay dagaaladii lala galay Ururka All-Shabbaab,

Xassan dagaalada ka furan dhanka All-Shabbaab waxaa uga muhiimsanaa Colaada iyo xisdiga uu u qabo qoowmiyada Dirka Dhagabadana wuxuu u arkay haddiiba uu sii joogo Xilkii uu markaas haayay in ay adkaan doonto ladagaalanka Qoowmiyada Dirka,

Markii Xilka laga qaaday gen-dDhagabadan markiiba Xassan SH Maxamuudiyo C/kariin Guuleedkii ku fashilmay wasaarada Amniga Qaranka waxeey bilaabeen dagaal ka dhan ah Beesha Biimaal inkastoo aan wax guul ah laga gaarin oo ay Beeshu muujisay kartideeda Umadnimo una diiday Cadaowga in ay Nabad ku hooydaan,

Xassan SH Maxamuud wuxuu markale bilaabay in Beesha Surre uu kula dagaalamo Kabxanleey iyo Deefoow asagoo huray hantida Qaranka si loo barakiciyo Beesha Surre Wuxuuna si bareer ah u diiday in lakala dhex galo Xoogagii ku dagaalamaayay Gobolka Hiiraan asagoo ka mamnuucay oo xaaraan ka dhigay in lakala dhexgalo,

Nasiib wanaag Caano lagama lisin Dagaalkaas waxeeyna Beesha Surre dul-dhigtay awoodii Alle siiyay taasoo Rabi ugu fududeeyay in ay gaadho libin aad u balaaran Cadawgoodana ay noqdeen kuwo Ciil iyo Cadaaba isugu darsantay,

Xassan SH Maxamuud wada hadaladii u dhaxeeyay Somaaliya iyo Somaaliland oo meel fiican maraaya ayaa waxa uu abuuray jawi kala fogaansho kadib markii shirkii ka dhici lahaa Wadanka Turkiga uu geeyay niman asaga shaaqi u ah asal ahaana kasoo jeeda Somaliland oo aan wax qiimo ah ka lahayn deegaanadooda marka laga reebo in ay u shaqeeyaan Xassan Sheekh Maxamuud,

Dawalada Federaalka Soomaaliya oo taladeeda ay gacanta u gashay koodxda Daamu-Jadiid ayagoo ka faa,ideeysanaaya waqtiga ay heleen waxeey burburiyeen rajadii laga lahaa walaalaha Gobolada dhexe in ay helaan Maamul Goboleed ay ayaga dhistaan,

Madaxweeyne Xassan SH Maxamuud iyo kooxdiisa ayagoo kaashanaaya awooda Dawladnimo iyo Dhaqaalaha Qaranka waxeey Cadaado fariisiyeen C/kariin Guuleed oo ah Nin fashilan oo aan karti iyto awood u lahayn hogaan umadeed,

Habbeenimadii Jimcaha waxaa lagu dhawaaqay oo uu aqriyay C/kariin Guuleed Gole uu ku sheegay Wasiiro hadaba sidii looga bartay iyo Cadawnimadiisa uu la wadaago Madaxweeyne Xassan SH Maxamuud wuxuu banaanka dhigay Beesha Surre isagoo faryaro bidix kusiiyay Wasiiro tira yar hadana ah Nooca loo yaqaan(D).

Qoowmiyada Dirka marna lama qaldi karo qosol been ahna maaweelo loogama dhigi karo waana Qoowmiyad balaaran aadna u kala garaneeysa Cadawgeeda iyo kan wanaageeda Jecel lagamana yaabo in ay taageero siiso Ururkan ku sifoobay Cadaawada,

Waxaana ku waajib ah oo aan laga maarmi karin in ay ku dadaasho sidii ay meel isaga saari lahayd oo ay waxa ay mudan yihiin u marsiin lahayd Ururkan ay horboodayaan Xassan SH Maxamuud iyo ina Guuleed shaqsi waloo kamid ah Qoowmiyadan ee soo dhoweeysta Ururkana waxeey u arkaan Cadaw kalkaal aan Xaq ku yeelan doonin ka hadalka Masiirka Qoowemiyada.

Qore Maxamed C/samad C/llaahi

cowslafil.com

Be the first to comment on "Daamu-Jadiid waxeey Muujisay Colaada ay u qabto Qoowmiyada Dirka Mana aha mid lama filaan ah."

Leave a comment

Your email address will not be published.