Gudoomiyaha Golaha Badbaadada iyo Samatabixinta Gobolka Hiiraan oo talo aad u wanaagsan Bixiyay.

Gudoomiyaha Golaha Badbaadada iyo Samatabixinta Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Daahir oo la hadlay Idaacada Danan ee Muqdisho ayaa sheegay in ay taageersan yihiin in Maamul wadajir ah ay sameeystaan Gobolada Hiiraan iyo Shabbeelaha dhexe isla markaana ay soo dhoweeynayaan Xagooda,

Cabdi Faarax ayaa ka tala bixiyay halka ugu haboon ee lagu qaban karo Shirka maamul usameeynta Labadaas Gobol wuxuuna soo jeediyay in shirkaas lagu qabto Magaalada Jowhar,mar wax laga weeydiiyay Sababta aanuu u taageersaneeyn in shirkaas uu ka dhaco Gobolka Hiiraan,

Ayaa wuxuu kaga jawaabay in waqtigan Xaadirka ah aaneey Macquul ahayn in shirka Maamul u sameeynta Shabbeelaha dhexe iyo Hiiraan Lagu qabto Gobolka Hiiraan Baladweeyne ama meel kalaba asagoo sheegay in Beelaha dega Gobolka Hiiraan ay aad isu heeys heeystaan sidaa aawadeed aaneey suura gal ahayn in Hiiraan ay marti galiso Shirka,

Gudoomiyaha Badbaadada iyo Samata bixinta Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Daahir ayaa kula taliyay Oday dhaqameedka,Siyaasiyiinta iyo wax garadka Gobolka Shabbeelaha dhexe iyo Dawlada Federaalka in aaneey ku degdegin in shirka Maamul usameeynta lagu qabto Gobolka Hiiraan taa badalkeedana ay haboon tahay in Gogosha la dhigo Magaalada Jowhar.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Gudoomiyaha Golaha Badbaadada iyo Samatabixinta Gobolka Hiiraan oo talo aad u wanaagsan Bixiyay."

Leave a comment

Your email address will not be published.