Cabdifataax Afrax oo gobolka ku soo noqday, mashaariic la soo galay dowlado iyo Hiiraan oo markale xaalad dagaal iyo saan saan colaadeed laga dareemayo

Ka dib markii in muddo ah uu ka maqnaa Cabdifatax Afrax Hiiraan ayaa gobolka ilaa in muddo ah aysan ka dhicin wax dagaal ah, umadaha islaamka ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan’a ay si nabad ah ku soomeen kuna ciideen.

Waxaa ina soo gaaraya in dagaal ooge Cabdifatax Afrax oo uu gobolka dib ugu soo noqday, markan isagoo riyadii dhulboobka iyadoo nooc kontrakt/document lala soo galay dowlado shisheeyo la yimid, durbaba bilaabay inuu markale abaabulo colaad iyo dagaalka dhulboobka ee ku wajahan Kabxanleey iyo Deefoow.

Waxaa ina soo gaaraya warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in dowlada Soomaaliya ay u balan qaaday dowlada Masar dhul beereed cabirkiisu gaaraya 9 milyuun oo hekter, halkaas oo ay dowlada Masar ka dhaqan gelin doonto qorsha horumarinta dhuul beereedka. Wasiirka Beeraha ee dalka Masar Salah Halal, ayaa sheegay in dowladiisu ay ka caawin doonto soomaaliya horumarinta dhulbeereedka, xoolaha, iyo kaluumeysiga. Salah Halal ayaa arrintan ka hadlay ka dib markii uu la kulmay wafdi uu hogaamin Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Saciid Xuseen Ciid.

Dowlada Somaaliya ayaa sheegtay dhulbeereed balaaran oo horey loo isticmaalin/tabcan ay dowlada Masar ka diyaarin doonto mashruuc “Model” lagu horumarin dhulbeeraadka, balse dowlada soomaaliya meysan sheegan halka dhulbeereedyada dowlada masar ka shaqeyn ay ku yaaliin. Waxaa ay sheegeen in Dhul beereed aad u balaaran oo aanan la tabcan in ay jiraan, halka shirkado dowlado shisheeye oo badan ay indhaha ku hayaan fursadahan.

xulufo_xusuuqa_hiiraan

Hadaba waxaa muuqata in maamulka gobolka Hiiraan oo garab ka helaya wiilka ay abtiga u yihiin ee ah Madaxweynaha dowlada federaalka, ay markale qorshahoodii dhulboobka oo ay markaan qandaraasyo la soo galeen dowlado iyo shirkado shisheeye, ayna muuqato markale in ay ku dhaqaaqaan qorshahoodii isir sifeynta dadka beeraleyda ee ku dhaqan Hiiraan, Shebelle Dhexe, iyo Shabeelada Hoose. Waxaa ina soo gaaraya in durbaba Gudoomiyaha gobolka dagaal ooge Cabdifatah Afrax uu gobolka ka bilaabay abaabul ciidan oo ku wajahan degaanada dhulbeereedka Kabxanleey iyo Deefoow. Ma aha markii ugu horeysay oo ay maamulka Hiiraan ay ku duulaan degaanadan, dagaalo badan oo faraha looga gubtay ayaa halkaa ka dhacay ugu danbeyntiina libinta waxaa helay oo maamula degaanadan ciidanka Kabxanleey iyo Deefoow, iyo weliba iyagoo markan qeyb ka ah Golaha Samatabixinta Shacabka Hiiraan oo ay ku mideysan yihiin badbaadada degaanada iyo shacabka Hiiraan.

Hadaba wixii ka soo kordha dhaqdhaqaaqa ciidan iyo arrimaha gobolka dib ayaan idiinkala soo socodsiin

cowslafil.com

Be the first to comment on "Cabdifataax Afrax oo gobolka ku soo noqday, mashaariic la soo galay dowlado iyo Hiiraan oo markale xaalad dagaal iyo saan saan colaadeed laga dareemayo"

Leave a comment

Your email address will not be published.