Ciidamada Jabuuti oo kala dhax galaya Maleeshiyo beeleed ku dagaallamay Deefow

Ciidamada Jabuuti oo kala dhax galaya Maleeshiyo beeleed ku dagaallamay Deefow

Ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee Hiil Walaal, qeybna ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la go’aamiyey iney kala dhex galaan labo maleeshiyo beeleed oo shalay ku dagaallamay deegaan ka tirsan magaalada Baledywene ee gobolka Hiiraan.

Kulan ay maanta magaalada Beledweyne ku yeesheen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha AMISOM ayaa la isku afgartay in ciidanka Midowga Afrika la geeyo deegaanka Deefow oo shalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleed.

Guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne, Maxamed Cismaan Cabdi ayaa sheegay in ciidanka AMISOM loo geynayo deegaanka si looga hor tago in uu mar kale dagaal beeleed ka dhaco halkaas.

cowslafil.com

Be the first to comment on "Ciidamada Jabuuti oo kala dhax galaya Maleeshiyo beeleed ku dagaallamay Deefow"

Leave a comment

Your email address will not be published.