Shirka aaya ka talinta Gobolka Hiiraan oo maalintii Afraad ka socda Galbeedka Baladweeyne.

Waxaa galbeedka Magaalada Baladweeyne ka socda maalintii Afraad shirka aaya katalinta Gobolka Hiiraan kaas oo ka dhacaaya Hottel Daaru-Salaam, Shirkan oo ay soo abaabuleeyn Gogoshiisana ay dhigeen Golaha Badbaadada iyo ayaa katalinta Gobolka Hiiraan,

ayaa waxeey Beelaha aad uga doodayaan qaabka loo badbaadin karo Gobolka Hiiraan loogana shaqeeyn karo Horumarintiisa iyo sidii Gobolda kale ee Soomaaliya uu wax ula qaybsan lahaa iyo waliba Gobolka ay la midoobi karaan si ay u helaan Maamul Goboleed Sida sharciga qabo Laba Gobol iyo Wixii kabadan ayaa sameeysan kara,

Shirkan oo qaab aad u wanaagsan loo soo abaabulay ayaa ku socda jawi aad u Sareeya iyadoo ay Beelaha Gobolka Hiiraan ay muujinayaan Niyad wanaag iyo in ay ka go,antahay in ay iskood wax u qabsadaan horumarna la tiigsadaan Gobolka Hiiraan iyo waliba Soomaaliaya,

Gobolka Hiiraan ayaa ah Gobol Taariikh Fiican ku leh Guud ahaan Soomaaliya waxaana ka dhashay Madaxweeynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) oo ahaa Madaxweeynihii ugu horeeyay Afrikaan ah oo si Dimuqraadi ah inta uu xukunka ku wareejiyay,

haddana wadankiisa isga dhex noolaa asagoo ku milmay Shacabka caadiga ah Taas oo ay ka danbeeysay Qaabkii Cadaalada ahayd ee uu u Maamulay Wadanka waqtigii uu Madaxweeynaha ahaa oo aanuu Shacabka Soomaaliyeed ka galin wax eedo ah.

cowslafil.com

8 Comments on "Shirka aaya ka talinta Gobolka Hiiraan oo maalintii Afraad ka socda Galbeedka Baladweeyne."

  1. Asc waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in inta fiyoow ee qadarisa sinaanta,dariswanaaga, cadaalada iyo Islaam nimada ay isugu yimaadaan kulan looga arinsado sidii gobolka looga hor wareejin lahaa caqabadan ku hor gudban dhowr iyo 20 sano ee lasoo dhaafay.
    walaalayaal dadka reer Hiiraan wey ka wada dharagsanyihiin halka haantu ka quruntay oo ah Thulmiga aanan lala gabaneynin taas oo aan u aanaynayo dhaqan galin la’aanta xadiith kii nabigeena suuban Muxamad(SAW) ee ahaa ” Unthur akhaaka ithaa kaana thaaliman ow mathluuman” oo macnahiisu yahay u gargaar walaal kaaga gar daran iyo kan laga gar daranyahay.marka saxaabadu waxay yiraahdeen garanay si loogu gargaaro kan laga gardaran yahay ee sidee baanu ugu gargaarnaa kan gardaran? Nabiguna uu ku yiri ka qabta gardarada.
    Marka martida sharafta leh ee gogosha fadhidoow maxaad ka qabateen ku dhaqanka xadiith kaas kor ku xusan? Hadii aan dheeli tir lahelin oon ummadu meel uga soo wada jeesan thaalim ka, dhibku waligiis waa jirayaa thaalim kuna garan mahayo inuu thulmi sameynayo, maalin kastana beel cusub ayuu ku sameynayaa.

    Marka anigu waxay ila tahay inaan marka hore u caqli celino ninkii thulmi ku socda oo dhan kasta wax ka tusno hadii uu naga diidana aan si cad oo aan leexleexad Laheyn u wajahno ilaa uu thulmiga joojiya. Intaa wixii ka dambeeyana arrinta lagu xaliyo sida waafaqsan kitaabka Allah iyo sunada nabaga iyo dhaqankeena wanaagsan inta waafaqda labada hore.
    Meesha waxaa yaala thulmi raagay ee Allah ha idin fahamsiiyo halka xalku ku jiro.
    wibillahi towfiiq wsc.

  2. si fiican wana wax.muda qaban qabadadiisa laso waday mamulka westland state wa in ay sugan amanka guud hadi ay isku so dayaan moryaanta bariga bakad weyne in ay car qalad ka imadaan insha allah waxan ka rajeyneyna iney kaso baxaan go anma dan u ah rer hiiraan iyo waliba hormar

  3. wana in qodobada laga hadlaya lagu dara sidii lo garab istagi lahaa walalaha rer defoow e gar darada cad kagu caya in lo dira ciidan iyo waliba dhaqale o waliba dadkoda lo fidiya dib u dajin anaga ka westland ahaan horaba u garab istagneen walina wan si garab qaban dona sido kale reraha kale si ta lamid ah aya laga raba

  4. webkaan waxa qoraa.dad ay tabaru meesha dhigtay oo iska oyna mesha waxa ku qoran kidigood waa calaacal kkkkkkkk

  5. Maanta nin walba waa ogyahay ninkey tabaru meel dhigatay oo Beelweynta Reer Hiiraan waa ka dharagsanyihiin cida markasta qori dab ah lasoo ordaba oohin la hooyato.Yaa maanta laf cad toobin ku hayo oo aan heysan dad iyo dalkii ay boobi rabeen toona? Yaase gobolka ka noqday tuke cambaar leh? Oohinta dhabta ah iyo shalaay taba qofkaas bey u sugnaatay.
    Tankale akhbaar ta webkan looguma talagalin cawaanta adiga oo kale ah ee waxay ku socotaa intiina fara kutiriska ah ee caqliga leh iyo Beel weynta reer Hiiraan, marka aamus oo edeb webka ku akhriso koleey ma lihid garaad aad ku fahamto waxa ku qorane.

  6. Waxaan aad ugu faraxsanahay shirka ka bilow Mgaladad B/weyne ee Gobolka Hiiraan waxaan eelyahay Guul hori u socda kuwa dhimane had imaadeen walaalaodane wax hala qeybsadeen.

  7. war xawaadle xagey ku danbeeyeen kkkkkkkkkkkkkkk,shirkan ummadda xalaasha ah u socda waa in xoor xoorkii la keeno, Surre maxaad cawaan dhulka u caga dhigtay, hadalkooda danbe lama maqal, kii madaxda u ahaa lo’ raacatada haduu yiri Jabuutiyaa aarapoorkaan naga celihee kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk, maga oga in isaga iyo reerkiisaba masuul laga yahay kkkkkkkkkkkkkkkk maskiin yaa xawaadle…….

  8. Asc
    war Allah ha laga cabsado oo halaga faa’iideysto fadhliga ku jira bishan barakeysan. Waa in waxkasta oo wanaag ah sida salaada, zakada,xiriirinta ehelada iyo qaraabada iyo waliba Qur’aan akhriska aan laba jibaarnaa. Yaanan la dhayalsan shey kasta oo wanaag ah haba yaraadee. Intaas oo wanaag ah waxba matarayaan hadii aanan loo sameyn Allah dartiis oo kaliya, ee aan niyada wanaagsano marka hore.
    Ha la isu naxariisto oo hala garab qabto dadka masaakiinta ah iyo inta tabarta daran, si naxariista Allah kor nooga soo dagto.
    Xushmeynta bisha waxay ku jirtaa inaan ka fogaano waxyaabaha xun xun oo dhan sida kibirka,beenta,xanta, xatooyada,xanaaqa,xaq bursiga iyo thulmiga wajiyadiisa badan.
    Ramadhaan mubaarak.

Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published.