04.april.2015: Qoraal ka soo baxay wargeyska Kabxanleey iyo Deefoow

04.april.2015: Qoraal ka soo baxay wargeyska Kabxanleey iyo Deefoow

Xaalada guud ee degmooyinka Kabxanleey iyo Deefoow ayaa degen, maamulka degaanadan oo ku howlan muhiimada xaalada degaanka oo ah sidii nabadgelyada loo suga lihii, isla mar ahaantaana si deg deg ah loo bilaabi lahaa howlaha samafalka ee degaanadaas.

Shacabka reer Kabxanleey iyo Deefoow ayaa in muddo ahba dhibaatooyin dagaal gardaro ah lagu hayey degaanadoodii, dagaalkaas oo ay dabada ka riixayeen dad wax ma garato ah oo aysan jirin wax qabta, odey dhaqameed, nabadoodo, ama maamulka halkaa ka jira. Waxaad moodaa in loogu tala galay in la dhibaateeyo, lagana qaxiyo shacabkii halkaa degenaa, balse arrintaa waxaa si geesinimo leh isu hortaagay maamulka iyo dadka ka soo jeeda degaanadan, maantana dib ugu sugan halkaa.

Maamulka degmooyinka Kabxanleey iyo Deefoow ayaa waxay ka codsan dhamaan hay’adaha Samafalka inay ka howl galaan degaanada Kabxanleey, Madiina, Deefoow, halkaas oo ay nabadgelyadooda ay sugayaan ciidanka amaanka degaanka. Arrimaha samafalka iyo dib u dejinta dadkii halkaa ka barakacay ayaa ah waxyaabaha muhiimada weyn ay siinayaan maamulka degaanadan, waxayna codsi u dirayaan dhamaan hay’adaha samafalka ee ku sugan gudaha, iyo dibada (USA, Canada, EUROPA,ASIA, iyo Africa) intaba waxaa lagu war gelin inay la soo xiriiraan maamulka iyo hogaanka dhaqanka ee degaanada Kabxanleey, Madiina, Deefoow si ay u helaan macluumaadka ay u baahan yihiin markii ay ka howl galayaan degaanadan.

kabxanley_qaxooti_05

kabxanley_qaxooti

kabxanley_qaxooti_01

kabxanley_qaxooti_02

kabxanley_qaxooti_03

kabxanley_qaxooti_04

kabxanley_qaxooti_06

Wixii kaloo ka soo kordha degaanada Kabxanleey iyo Deefoow halkan kala soco.

cowslafil.com

Be the first to comment on "04.april.2015: Qoraal ka soo baxay wargeyska Kabxanleey iyo Deefoow"

Leave a comment

Your email address will not be published.