31.maarso.2015: Qoraal ka soo baxay wargeyska Kabxanleey iyo Deefoow

31.maarso.2015: Qoraal ka soo baxay wargeyska Kabxanleey iyo Deefoow

Waxaa degen xaalada guud ee degaanadii lagu dagaalamay 21.maarso ilaa jimicihii 27.maarso oo aheyd markii dagaal labo jeer habeenimadii saq dhexe ay soo qaadeen beesha ka soo duusha Bariga Baladweyne.

Ciidamada amaanka beelaha ku dhaqan Kabxanleey iyo Deefoow ayaa gacanta ku hayaa dhamaan degaanada Deefoow, Kabxanleey, Madiina, ilaa xuduuda ay la wadaageen beesha Bariga Baladweyne. Wararka ina soo gaaraya ayaa sheegaya in ay ku sugan yihiin ciidan aanan saa u badneyn meel u jirta Kabxanleey ilaa 16 km, ciidan aanan saa u abaabulneyn oo ah shaqsiyaad halkaa qori la maraya.

Ciidanka amaanka degaanada Kabxanleey iyo Deefoow ayaa ka wadaa halkaa howlo lagu sugayo amaanka halkaa, difaac adagna uga jira saldhigyo ah halka ugu haboon ee laga difaaco degaanadan.

Waxaa weli ku soo qulqulaya degaanada Kabxanleey iyo Deefoow ciidamo ka kala imaanaya gobolada dalka looguna tala galay inay ka difaacaan degaanadan cid walba oo dulmi lasoo doonata.

Waxaa kaloo barbar socda arrimaha nabadeynta qorshe samafal oo loogu tala galay gurmad dadka shacabka oo ay saameysay colaada halkaa ka soo jirtay labadii sanadood ee ugu danbeeyey. Walow ay dhibaatada lagu hayey dadka degaanka Kabxanleey iyo Deefoow ay soo jiitameysay mudo ka badan 4 sanno.

Xaalada gobolka guud ahaan ayaa ah mid dadka intiisa badan ee ku dhaqan Hiiraan ay ka mideysan yihiin in leyska qabto cidii dulmi wada, mustaqbalka gobolkana uu ahaado mid u dhaxeeya dhamaan beelaha Soomaaliyeed u ku dhaqan halkaa, isla mar ahaantaana lagu midoobo horumarka, dib u dajinta dadkii ka bara kacay halkaa, iyo sidii gargaar bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa shacabka ay aad u saameysay colaadaha soo jiitamay ee ka jira degaanadan.

Wixii kaloo ka soo kordha xaalada degaanada Kabxanleey iyo Deefoow halkan kala soco.

cowslafil.com

3 Comments on "31.maarso.2015: Qoraal ka soo baxay wargeyska Kabxanleey iyo Deefoow"

  1. Tani waa guul iyo gobanimo waxaa layri nin aan shantaadu kaa celin Sharci kaama celiyo

  2. Arinta ugu mihiimsan waa Daris wanaagga, waa in xoogga la saaraa sidii loogu muujin lahaa Beelaha kale ee deggen Hiiraan Daris wanaag, iyo wada noolaansho hufan, Beeshan dirirtu idinka dhexayso, hadday ka waantoobaan dulmigaan, iyagana waa in si wanaagsan loo soo dhaweeyaa oo la iska hilmaamaa colaaddii hore.

    WABILLAHI TAWFIIQ

Leave a Reply to Sudan ajji Cancel reply

Your email address will not be published.