Ciidamada Beelweeynta Surre oo Maanta Dhoola Tus Milatari Ku sameeyay Kabxanleey.

Ciidamada Beelweeynta Surre oo Maanta Dhoola Tus Milatari Ku sameeyay Kabxanleey.

Maanta oo Sabti ah Taariikhduna Tahay 28-3-2015 waxaa Dhoola tus milatari ku sameeyay Magaalada Kabxanleey Ciidamada Beelweeynta Surre, Dhoola tuska Maanta dhacay waxaa ka Qayb Qaatay Ciidamada Sida Gaarka u tababaran ee Beelweeynta Surre.

Gaashaanle Sare Maxamed Jiilba Jiil oo aan kula kulanay Goobta uu dhoola Tusku ka dhacaayay ayaa inoo sheegay in Ciidamadan ay Mar walba Diyaar u yihiin Difaaca dhulkooda isla markaana ayana marna ka heeybeeysan doonin Cid Walba oo uu Damac ka galo Dhulka Surre.

Jiilba Jiil oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Saraakiisha Sare iyo Ciidamada Beelweeynta Surre aysan Diyaar u ahayn in ay gardaroodaan Laakiin aaneey marna Ogolaan doonin Xadgudub dhankale uga yimaada Innaga waxaa hogaan noo ah Ku dhaqanka Shareecada sida ay qabto.

Mar aan wax ka weeydiinay dagaaladii Maalintii shalay dhacay waxuu noo sheegay in ay jab weeyn u saariyeen Qolooyinkii soo weerar isla markaana ay siiyeen Cashar u qalma Gardaradooda Wuxuuna yiri Soo joog Ninkii diidaa soo jiifaa laga helaa Nin Gardaro aaminay Guul ka dheer.

Mar aan wax ka weeydiinay Sheegashada Beesha Bariga Baladweeyne in aa tihiin isbahaysi, Jiilba Jiil oo Qoslaaya ayaa yiri Beesha Bariga Baladweeyne Wax ka degtaa waxaan leeyahay ma jiro wax isbaheeysi la yiraah waxaad is heeysaan Cutubyo kamid ah Ciidamada Beelweeynta Surre oo kaashanaaya Allaha Xaqa lagu caabudo ee aan marna ogoleeyn dulmiga ee waa wareeyda iska daaya Taas badalkeedna u Noqda alaha awooda leh oo iska iloowa dulmiga iyo dhulboobka aad ku hamineeysaan.

Lasoco Qaybaha danbe Wareeysiga aan la yeelanay Gaashaanle Sarre Jiilba Jiil iyo waxyaabo Xiiso leh oo uu ka hadlay

cowslafil.com