Dareenka Shacabka iyo Dhalinyaridii lagu laayey Qaraxii Kuliyada Jaale Siyaad

Inaa Lillaahi Wa Inaa Ilaahey Raajicuun, Allaha u naxariisto dhamaan ciidanka Qaran ee lagu laayey Xerada Jaalisiyaad.

Masuuliyada masiibada halkaa ka dhacday waxaa qaadaya, kuwii dhalinyarada ka soo qaaday Gobolka Shabeelade Hoose ee Xerada Kuliyada Jaalisiyaad ku soo xareeyey, halkaana laguu shirqoolay laguna qarxiyey dhalinyaradaa.

Waxaa in muddo ahba ku socday shirqool iyo xusuuq shacabka, dhaqanka, hogaanka iyo halyeeyada Gobolka Shabeelada Hoose.

Waxaa jidka loo galay oo la laayey odayaal dhaqan oo birmageedya ah, waxaa la bartilmaameedsaday oo la gubay degaano iyo weliba dad shacab ah, waxaa la shirqoolay oo leysku qarxiyey hogaankii ugu sareeyey ee ruuxiga ahaa sida Jeneraal Dhaga badan iyo Waafow, waxaa la dilay wiilal ka tirsan familka gudoomiyaha degmada Marka, waxaa laga soo kaxeeyey ciidamo ku sugan Janaale, Marka, iyo Baraawe oo isku reer ah laguna xusuuqay qaraxii kuliyada Jaale Siyaad, dhamaantood dadkaa soomaaliyeed ee inaga baxay, kuna baxay gacan ka xaq daran samir iyo iimaan Allaha inaga siiyo.

Masuuliyada ciidankaa qaranka ee dhowaan lagu laayey xerada Kuliyada Jaale Siyaad waxaa qaadaya masuulka ugu sareeya dowlada Soomaaliya Hassan Sheekh, iyo taliyaasha ciidan ee wiilasha halka ku soo xareeyey, loogana fadhiyaa in arrinta jawaabteeda iyo in sharciga la horkeeno cidii ka danbeysay Shirqoolkan.

Haddii aysan dowlada Hassan Sheekh war cad iyo wax muuqda aysan ka qaban masiibadan lagu shirqoolay oo laguna xusuuqay ciidamada qaran ee u badan hal beel, waa in ciidanka ka soo jeeda Gobolka Shabeelada Hoose ay isaga baxaan magaalada Muqdisho, dibna ugu laabtaan Gobolka ay ka soo jeedaan, sugaana nabad gelyadooda iyo nabadgelyada shacabkooda iyo degaanadooda.

cowslafil.com